SAADAASHA Sky Sports Ee Maalinta Ugu Dambaysa Premier League & Kooxda

Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa dhiibtay saadaashiisa ugu dambaysa ee xilli ciyaareedkan 2020-21 ee horyaalka Premier League xilli uu aragtidiisa ku kala saaray kooxo dhawr ah oo qoorta iskula jira.

Saddexda kooxood ee kaalmaha saddexaad iyo afraad ku kala bixi doona ayaa ah Liverpool, Chelsea iyo Leicester City oo la kala ciyaari doona Crystal Palace, Aston Villa iyo Tottenham sida ay u kala horreeyaan.

Aan ku bilawnee Jones Knows ayaa wadnaha jaray taageerayaasha Chelsea isaga oo qaba in kooxdoodu ay tahay mida kaalmaha sarre seegaysa waxaana uu qabaa inay bar-bardhac lasoo geli doonaan Aston Villa.

Jones ayaa inay Champions League ka qayb-gasho u rajeeyay Leicester City oo hadda booska shanaad joogta isaga oo saadaaliyay inay guul ka gaadhi doonaan Tottenham oo marti u noqon doonta.

Sidoo kale waxa uu guul siiyay Liverpool oo Crystal Palace qaabilaysa isaga oo aaminsan in Reds ay xilli ciyaareedkan oo musiibo ku ahaa ugu dambayn booska 3-aad ku dhammaysan doonaan,

Jones ayaa sidoo kale qaba in Arsenal aysan awoodi doonin inay Europa League usoo baxdo oo ay Emirates bar-bardhac kula heshiin doonto Brighton oo marti u ah.

Saadaasha kale ee layaabka leh ayaa ah inuu guuldarro u rajeeyay Manchester City oo horyaalka guddoomaysa toddobaadkan wuxuuna Jones Knows qabaa aragti ah inay guuldarro kala kulmi doonaan Everton oo Etihad Stadium ugu imanaysa.

Ugu dambayn waxa uu guul u rajeeyay Man United oo u tagaysa Wolves oo kulankaasi macasalaamayn doonta tababaraha wacdaraha kusoo dhigay sanadahan ugu dambeeyay ee Nuno Espirito Santo.

Saadaasha Jones Knows Ee Toddobaadka 38-aad Oo Dhammaystiran

Aston Villa 1-1 Chelsea

Leicester 2-1 Tottenham

Liverpool 3-1 Crystal Palace

West Ham 1-1 Southampton

Arsenal 2-2 Brighton

Manchester City 1-2 Everton

Fulham 2-3 Newcastle United

Leeds 4-2 West Brom

Sheffield 0-2 Burnley

Wolves 0-2 Man United

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More