SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League, Koox

3

Khabiirka kubadda cagta England iyo kanaalka BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League oo ay ku jiraan ciyaaro la sugi la’yahay oo uu ugu horreeyo kulanka Jose Mourinho vs Pep Guardiola.

Man City ayaa ku booqan doonta Spurs gegida Tottenham Hotspur Stadium halka kulanka kale ee xiisaha badani uu yahay midka ay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool soo dhawayn doonto kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Leicester City.

Aan ku bilawnee Lawrenson ayaa guul u saadaaliyay kooxda qaab ciyaareedka fiican kusoo jirtay dhawaanahan ee Chelsea isaga oo qaba inay saddexda dhibcood kasoo xayuubin doonaan Newcastle United oo ay booqanayaan.

Sidoo kale Lawrenson waxa uu guul weyn u rajeeyay Manchester United oo soo dhawaynaysa kooxda dhibtu haysato ee West Browmich Albion waxaana uu qabaa inay si sahlan saddexda dhibcood ugaga qaadan doonaan Old Trafford.

Kooxda weyn ee uu Mark Lawrenson qalbi jabka ku riday toddobaadkan ayaa ah Arsenal waxaana uu aaminsanyahay inay guuldarro kale kasoo xambaaran doonaan Leeds United iyagoo kulankii ugu dambeeyay guuldarro kala kulmay Aston Villa.

Lawrenson ayaa guul u diiday Liverpool waxaana uu qabaa aragtida ah inay Anfield dhibco ku lumin doonaan oo ay bar-bardhac la geli doonaan Leicester City iyo tababarahoodii hore ee Brendan Rodgers.

Ugu dambayn kulanka adag ee Sky Blues vs Spurs ayuu guusha ku taageeray Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City waxaana uu aaminsan yahay inay kasoo adkaan doonaan Mourinho iyo ciyaartoydiisa.

Saadaasha Lawro Ee Toddobaadka 9-aad Oo Dhammaystiran

Newcastle 0-2 Chelsea

Aston Villa 1-1 Brighton

Tottenham 1-2 Man City

Man United 3-0 West Bromwich

Fulham 0-2 Everton

Sheffield United 2-0 West Ham United

Leeds 2-1 Arsenal

Liverpool 1-1 Leicester City

Burnley 2-0 Crystal Palace

Wolves 2-0 Southampton

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More