SAADAASHA Feedhyahan Khabib Ee Final-ka Euro 2020 – Midkee Ayuu Koobka

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov oo ahaa mid si joogto ah u bixinayay saadaalinaha kulamada tartanka Euro 2020 ayaa markan dhiibtay aragtidiisa ciyaarta Final-ka ah ee koobkaas.

Nurmagomedov ayaa ahaa mid soo saadaaliyay bilawgii tartanka in xulka England uu gaadhi doono Final-ka waxaana uu markale ku taageeray inay koobka ku guuleystaan Axada berri ah marka ay xulka Talyaaniga isku arkaan London.

Khabib ayaa sheegay inuu xulka England haysto ciyaartoy da’yar oo fiican isla markaana leh xawaare iyo deg-degsiimo walow uu qiray in xulka Talyaanigu yahay mid khibrad leh.

“England waxay haysataa saf libaaxyo da’yar oo aad u fiican, waa koox aad u fiican oo haysata ciyaartoy ay kamid yihiin Sterling, Kane, Mount, Phillips, Walker iyo Pickford”

“Iyagu waa koox aad u wanaagsan waxaana ay ku ciyaarayaan dalkooga, markii ugu dambaysay ee ay koob ku guuleysteen waxay ahayd 1966”

“Italy waxay haystaan fursad aad u wanaagsan sababtoo ah iyagu waa koox khibrad leh oo haysta ciyaartoy ay kamid yihiin Chiellini iyo Immobile”

“Laakiin aragtidayda England ayaa guuleysan doonta sababtoo ah waxay leeyihiin xawaare, Italy waxay leeyihiin khibrad laakiin England waxay haystaan xul da’yar oo aad u wanaagsan oo xawaare leh, waxaan rajaynayaa in England ay ku guuleysato wayna u qalmaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More