#Ronaldo “Marna kuma fikirin in Zidane in uu noqon doono tababare, balse Raúl haa”

7,569

Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo isla markaana ah milkiilaha kooxda reer Spain ee Real Valladolid, ayaa xaqiijiyay inuu la yaabay kaddib markii saaxiibkiisii ​​hore ee Zinedine Zidane uu go’aansaday inuu ku biiro saaxada tababarka.

Laakiin halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo ayaa sii tilmaamay inuu sidoo kale layaabay kaddib markii uu Real Madrid kula guuleystay saddex jeer xiriir ah tartanka Champions League isagoo ah macalinka kooxda.

Sidoo kale laacibkii hore kooxaha Barcelona, Real Madrid, Inter iyo AC Milan ee Ronaldo ayaa sharaxaad ka bixiyey in marka loo fiiriyo Zidane dabeecadiisa xasiloon aan loogu bishaareyn karin inuu noqonayo tababare, islamarkaana uu arkayay in saaxiibkiisii ​​hore ee Raúl González uu kaga haboonaa xirfadan, sababa la xiriira shaqsiyadiisa hogaamineed ee qolka dhar badalashada.

Hadaba halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Marna ma aaminsaneyn in Zinedine Zidane uu noqon doono tababare, sababtoo ah wuxuu ahaa mid degan, laakiin waxaa igala sii yaab badneyd markii ugu horeysay ee aan arkay isagoo macalin ah islamarkaana ku guuleystay seddex Champions League”.

“Raúl González? Haa, waxaan u arkayay inuu tababare noqon karo, sababa la xiriira hogaamintiisa shaqsiyadeeda, waan hubaa inuu ku guuleysan karo”.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More