Ronaldinho Oo Ku Taliyey In Barcelona Meel Iska Dhigto No.10 Oo Aan

Halyeyga reer Brazil ee Ronaldinho ayaa kula taliyey kooxdiisii hore ee Barcelona in ay hawlgab ka dhigto lambarka 10 ee uu hadda xidho Lionel Messi, isaguna uu uga sii horreeyey, kaas oo ay sidoo kale xidheen ciyaartooyo waaweyn sida Diego Maradona iyo Rivaldo.

Barcelona ayaa dhowaan heshiis cusub la saxeexatay Lionel Messi xilli uu dhamaaday qandaraaskiisa hore, waxaanay soo afjartay toddobaadyo hubanti la’aan ah oo kabtanka reer Argentina uu ahaa ciyaartoy aan ka tirsanayn Barcelona.

Arrinta kaliya ee Barca u taalla ayaa ah inay dhinto mushaharka ciyaartoyda si loogu diiwaangeliyo Messi iyo ciyaaryahannadii kale ee ay lasoo saxeexatay xagaagan, sida Memphis Depay, Eric Garcia iyo Sergio Aguero oo dhamaantood si bilaash ah ku yimid.

Ronaldinho oo toddobaadkan horraantiisii ka qayb-galay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ku kulmeen halyeeyadii Barcelona iyo Real Madrid oo uu ka dhaliyey gool rikoodhe ahaa, isla markaana uu bandhig fiican oo ahaa kii lagu yaqaanay uu kusoo bandhigay, waxa uu Ronaldinho farriin u diray kooxdiisa hore.

Halyeyga Brazil oo la hadlayey warbaahinta TuttoMercato ayaa Lionel Messi u sheegay inuu sii joogo, sidoo kalena Barcelona ayuu u sheegay in aan Messi dabadii lagu ciyaarin No.10.

“Lionel Messi waa in uu joogo, marka uu ka fadhiisto ciyaaraha oo aan filayo inay waqti dheer kaddib noqon doontana, waa in loo dhigo No.10 oo aanu qof kale ku ciyaarin mar dambe.” Ayuu yidhi Ronaldinho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More