Robot Calanwade Ka Noqonaya Koobka Adduunka & FIFA Oo Ku

3

Qorshe la doonayo in mashiino robot ah laga dhigo caawiyayaasha garsooraha ee Koobka Adduubka ee 2022 ayaa horumar laga sameeyay ka dib markii FIFA ay weydiisatay shirkadaha Teknooloojiyada inay cadeeyaan inay nashqadeyn karaan barnaamij shaqeyn kara.

Madaxa FIFA ayaa ka shaqeyneysay hindisahaan muddo sannad ah.

Ururka kubada cagta Adduunka ayaa xitaa tijaabooyin daaha gadaashiisa ah sameeyay koobkii Club World Cup ee lagu qabtay Qatar kuna guuleysatay Liverpool sannadkii la soo dhaafay.

Haatan ururada FIFA kala shaqeeya dhanka hal abuurka oo ay ku jiraan xiriirka garsoorayaasha Premier League ee PGMOL ayaa doonaya in tijaabooyi cusub la bilaabo bilowga sannadka soo socda.

Barnaamijyada la tijaabinayo waxaa ka mid ah Tracab oo ay sameysay shirkad Sweden ka dhisan oo lagu magacaabo Chyron-Hego.

Aaladaan casriga ah ayaa loogu talogalay inay la socoto dhaqdhaqaaqa kubada, nuux nuuxsiga xubnaha jirka bani’aadamka iyo inay sawirto muuqaalka ciyaartoyda si go’aanada offside-ka iyo goolkuba ay u noqdaan kuwa saxan boqolkiiba 100.

Shirkada ayaa balanqaaday in barnaamijkeeda Tracab inuu cadeyn karo waqtiga ugu muhiimsan ee baas la sameeyay, booska saxda ah ee ciyaartoyda ay joogaan iyo xubnaha jirkooda.”

Shirkada sameysay teknooloojiyada xariiqda goosha ee Hawk-Eye ayaa iyadana la fahamsan yahay inay ka shaqeyneyso mashiin midkaan la mid ah.

Si kastaba, FIFA waxay raadineysaa in horumar laga sameeyo dhanka muuqaalka ee dhacdooyinka offside-ka.

Madaxa teknooloojiyada FIFA Johannes Holzmuller ayaa ku qeexay tijaabooyinkii la sameeyay kuwa balanqaad leh.

Kalsooni weyn ayaa ka soo baxeysa xarunta FIFA ee Zurich in Qatar 2022 lagu isticmaali doono teknoolojiyadaan.

VAR oo la filayay inay xalin doonto muranka dhanka offside-ka ah ayaa si weyn u guuldareysatay iyagoo abuuray dhibaatooyin ka badan intii markii hore laga cabanayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More