Rivaldo oo magacaabay xiddiga uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto

(Yurub) 25 Juun 2022. Halyeeyga kubadda cagta Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa ammaan weyn u jeediyay xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan iyo naadiga Real Madrid ee Vinicius Jr.

Rivaldo ayaa aaminsan in Vinicius Jr uu ka mid noqon doono xiddigaha ay u badan tahay in ay ku guulaystaan ​​abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or mustaqbalka dhaw, marka lavatory eego heerarkii uu dhawaan soo bandhigay Los Blancos.

Haddaba shabakada SportSkeeda ayaa baahisay wareysi uu bixiyay halyeeyga kubadda cagta Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo, waxaana uu yiri:

“Vinicius Jr wuxuu noqon doonaa xiddiga ugu muhiimsan Real Madrid kaddib Benzema.”

“Kadib xilli ciyaareed heer sare ah oo uu la qaatay Real Madrid oo uu ka mid noqday xiddigihii finalka Champions League isla markaana uu dhaliyay kii guusha, waxaan filan karaa in Vinicius uu sii wadan doono horumarkiisa.”

“Vinicius Jr si wayn ayuu u horumaray xilli ciyaareedkii dhamaaday marka la eego soo afjarida weerarada, hadii uu sii wado horumarka iyo barashada, waxa uu noqon karaa xiddiga ugu weyn Real Madrid haddii Karim Benzema uu maalin uun ka fadhiisto.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More