Rio Ferdinand Oo Magacaabay Laba Ciyaartoy Oo La Yasi Jiray (La

Rio Ferdinand, Owen Hargreaves iyo Michael Carrick waxay dhamaantood qayb muhiim ah ka qaateen guushii Champions League ay Manchester United ka gaadhay Chelsea oo ay rikoodheyaal ku garaacday kulan ka dhacay magaalada Moscow.

Owen Hargreaves ayaa yimid Old Trafford sannadkii 2007 iyagoo kala soo saxeexday Bayern Munich, waxaana sannadkii xigay uu la hantay Champions League, laakiin afartii sannadood ee uu joogay Manchester United waxay ahaayeen kuwo dhaawacyo dishoodeen.

Michael Carrick ayaa isaguna Manchester United u ciyaaray 12 sannadood oo uu guulo badan la gaadhay, waxaanay waqtigii ugu quruxda badnaa wada qaateen Paul Scholes oo ay iska garab ciyaari jireen, khadka dhexena wadaagayeen.

Rio Ferdinand oo waraysi bixiyey ayaa qirtay in uu aad uga heli jiray daawashada saddexda ciyaartoy ee Carrick, Scholes iyo Hargreaves marka ay garoonka ku wada jiraan, laakiin waxa uu ku dooday in la xaqiri jiray oo aan la siinin qiimayntii uu lahaa Owen Hargreaves, sidoo kalena Michael Carrick aanu helin mudnaantii uu lahaa.

“Ma aanan sugi kari jirin in aan arko Scholesy iyo Michael Carrick oo uu ka garab ciyaarayo Owen Hargreaves, sababtoo ah waxaan ogaa saamayntiisii Jarmalka, edebtiisa iyo macluumaadka Owen. Waxa uu ahaa ciyaartoy la xaqiray oo aan la siinin qiimayntii uu u qalmayay.” Ayuu yidhi.

Rio Ferdinand oo hadalkiisa sii wata, sharraxaadna ka  bixinaya qaab ciyaareedkii Hargreaves ayaa yidhi: “Haddii aanay dhaawacyo soo gaadhi lahayn, wuxuu noqon lahaa Claude Makelele-ha waqtigaas, laga yaabaa in uu kasii fiicnaan lahaa. Wuxuu gaadhsiisnaa heerkaa.

“Wuxuu aamusiin karayey ciyaartoy shaki la’aan. Wuxuu ahaa ciyaartoygii ugu orodka dheeraynayay kooxda waqtigaas, waxa aanu ku samaynay tijaabooyin orodka masaafada 10-ka iyo 20-ka yard.

“Wuxuu ahaa ciyaartoy dhiirran oo xeelad ahaan cajiib ahaa. Marka aan u dhawaaqo ee aan idhaahdo ‘horey, dib, bidix, midig’ ama wax kale, wuxuu ahaa sidii askari oo kale. Waxa sidaas oo kale ahaa Michael Carrick. Way ogaayeen in ay yihiin faa’iidada kooxda.

“Marka ay dadku leeyihiin Michael Carrick taakalo ma samayn jirin, uma baahan jirin kala-badh waqtiga. Akhrintiisa ciyaarta ayaa aad u fiicnayd, sidoo kalena anaga ayaa dib ka wada xidhiidhi jirnay, una sheegi jirnay halka uu tegayo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More