#Rio Ferdinand ayaa ku doodaya in Paulo Dybala uusan laheyn ‘macdan qumman’ sii uu ugu soo biiro ManUnited

47

Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay markii kooxdiisii hore ay ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay xiddiga Juventus Paulo Dybala xagaagan.

Dybala – Lukaku isku badalka ciyaaryahanaddan. Mid ka mid ah qodobada ugu waa weyn ee lagu hadal hayo warbaahinta Yurub ilaa isbuucii hore ee dhanka suuqa kala iibsiga horyaalka Ingariiska waxaa hareereeyay heshiis xanniban oo ku saabsan isku beddelista Ciyaartoyda Juventus iyo Manchester United.

Weeraryahanka reer Argentine Dybala ayaa waxaa lagu xamanayay in la sii carbuuntey  taas oo sahli karta  suurtagalnimada inuu ku biiro United

Isku soo wada duubo xiddiga Juventus ee Paulo Dybala ayaa ku dhow inuu ka tago kooxda lagu naaneyso marwada duqda ah inta uusan xirmin suuqan xagaaga ee 2019.

Paulo Dybala ayaa xiliyadii lasoo dhaafay ku dhawaaday inuu u wareego horyaalka Premier League, kaddib markii ay saxiixiisa u dhaqaaqeen kooxaha Manchester United iyo Tottenham, kahor inta aysan wada hadalada burburin.

Sida laga soo xigtay shabakada “Ray Sport”, wakiilka Paulo Dybala ayaa lagu arkay caasimada Paris shalay oo Axad ah, taasoo sii xoojineysa wararka la xiriirinaya xiddigan reer Argantina inuu u dhaqaaqo caasimada Faransiiska.

Joogitaanka wakiilka Dybala ee magaalada Paris ayaa la micno ah in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan suurtogalnimada uu ku hirgali karo heshiiska ciyaaryahankan.

Macalinka kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa kaddib kulankii ay la ciyaareen Atletico Madrid ayaa si maldahan u sheegay in Paulo Dybala uu ka tagi karo garoonka Allianz xili ciyaareedka cusub.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More