RIKOODH: Spain Oo Rikoodh Cusub U Dhigtay Dunida & Taariikhdii Ay Ka

Xulka qaranka Spain ayaa rikoodh cusub u dhigay dunida intii ay socotay ciayartii xalay ay barbarraha goolal la’aanta ah wada galeen Sweden, waxaanay La Roja sameeyeen kubbad hayntii ugu badnayd iyo baaskii ugu badnaa ee taariikhda tartamada caalamiga ah.

Labadan waddadan oo ku wada jira Group C, ayay Sweden nasiib ku lahaayeen in ay hal dhibic ka heleen ciyaar si walba looga gacan sarreeyey oo ay ku urursanaayeen xayndaabkooda difaaca.

Inkasta oo barbarro goolal la’aan ah ciyaartu kusoo dhamaatay, Spain niyad-jab ayay u ahayd natiijadani, sababtoo ah waxay u qalmayeen inay guuleystaan.

Rikoodhadii Spain jabisay

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta, Spain ayaa awoodday inay gacanta ku hayso maamulka ciyaarta 85 boqolkiiba, halka Sweden ay kaliya 15% ciyaartu lugteeda ku jirtay, taas oo ka dhigan in ay goolkooda waardiye ka ahaayeen.

In 85% ay gacanta ku hayeen maamulka ciyaara, Spain ayaa noqonaysa waddankii ugu horreeyey ee heerkaas gaadhsiiya ciyaar tan iyo intii uu xog-ururiyaha Opta bilaabay kaydinta rikoodhada iyo xogta kubadda cagta sannadkii 1980kii.

Rikoodhkn wxa ksii darnaa mid kale oo ahaa kubbd-dhiibista (baasaska), waxaana qaybtii hore oo kaliya ay Spain isku dhiibtay 419 kubbadood, waana rikoodhkii kubbad-dhiibis ahaa ee ugu sarreeyey ee laga diiwaan-geliyo tartanka qaramada Yurub 45ka daqiiqadood ee ugu horreeya.

303 ka mid ah baasaskaas, waxay Spain ka samaysay qaybta Sweden ee garoonka, taas oo ka dhigan in ay weerar ahaayeen oo lagu ciyaarayay dhinaca Sweden oo kaliya, mana dhicin in kulan ka tirsan qaramada Yurub baasas intaas le’eg la iskugu dhiibo qaybta kooxda kaa soo horjeedda. Halka Spain ay baasaska intaas le’eg ka samaysay, Sweden waxay qaybta garoonka ee Spain iskugu dhiibtay 38 kubbadood oo kaliya, waana rikoodhkii ugu yaraa abid ee laga diiwaan-geliyo Euro.

Marka la isku-daro labadii qaybood, Spain ayaa intii ay ciyaartu socotay waxay samaysay 917 baas oo ay ciyaartoydoodu si guul ah kubadda iskugu dhiibeen, waxaanay Spain sidaas ku jabisay rikoodhkii ay hore u dhigeen sagaal sannadood ka hor, kaas oo hore u haystay rikoodhka baas bixinta ee adduunyada ee kulamada caalamiga ah.

Waqtiga ay Spain samaynaysay rikoodhkaas hore oo ay la ciyaaraysay Ireland, waxay isku dhiibeen 859 kubbadood, waxaana inta ugu badan bixiyey Xavi Herndez oo kalidii dhiibay 136 kubbadood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More