RIKOODH: Robert Lewandowski Oo Taariikh Cusub Oo Aan Abid La Arag Ka

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa taariikh cusub oo aan hore u dhicin ka sameeyey horyaalka waddanka Talyaaniga ee Bundelisga, kaddib markii uu maanta  xilli ciyaareedka kusoo xidhay gool uu waqti dambe dhaliyey, kaas oo ahaa goolkiisii 41aad ee uu xilli ciyaareedkan dhaliso.

Robert Lewandowski ayaa dhaafay rikoodhkii qarniga jiray ee gool-dhalinta horyaalka Bundesliga oo uu laacibkani barbarreeyey toddobaadkii hore, ugu dambayntiina uu maanta daadka raaciyey.

Weeraryahanka reer Poland ayaa dhaliyey 41 gool oo horyaalka Bundesliga oo kaliya ah oo uu xilli ciyaareedkan saxeexay, waana tiradii goolasha ee ugu badnaa ee abid laga dhaliyo horyaalka xilli ciyaareed kaliya gudihii.

32 jirkan ayaa wixii hadda ka dambeeya waxa  uu ahaan doonaa ciyaartoyga la hiigsado goolashiisa ee uu laacib walba ku taamo sidii uu u gaadhi lahaa.

Kulankii ay Bayern Munich 5-2 ku garaacday Augsburg ee ay ku qaadeen horyaalka Bundesliga ayaa Lewandowski gool ka dhaliyey daqiiqaddii 90aad, waxaana uu goolkaasi u noqday midka uu ku galay taariikhda Bundesliga, isagoo hal gool dhaafay rikoodhkii goolasha  ee Gerd Muller ee xilli ciyaareedkii 1971-72 oo dhaliyey 40 gool oo horyaalka ah.

Lewa ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan saxeexay 48 gool oo dhamaan tartamada  ah, waxaana uu gaadhi kari waayey rikoodhkiisii gool-dhalinta ee xilli ciyaareedkii hore ee 2019-20 oo uu dhaliyey 55 gool oo dhamaan tartamada ahaa.

Horyaalka Bundesliga ayaa abaal-marinta gool-dhalinta ee xilli ciyaareedka guddoonsiiyey Robert Lewandowski, taas oo u dheerayd taariikhda cusub ee loo diiwaangeliyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More