Real Madrid Oo Saacadaha Soo Socda Ku Dhawaaqaysa Saxeex Ay Ka

Real Madrid ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqaysa saxeex ay kaga jawaabayso labadii difaac dhexe ee ka tegay ee Sergio Ramos iyo Raphael Varane oo PSG iyo Manchester United u tegay.

Tababare Carlo Ancelotti iyo Madaxweyne Florentino Perez ayaa la filayaa in maanta ay kasoo garab muuqdaan doonaan Dani Carvajal oo qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo uu ku kordhinayo qandaraaskiisa.

Carvajal oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka qandaraaskiisa ayay Madrid ka baqaysaa in uu kaga tago sidii Ramos oo kale amaba uu ku qasbo amaba uu sidii Varane oo kale uu ku qasbo inay iibiyaan.

Wargeyska Diario AS ayaa sheegay in Real Madrid ay heshiis cusub oo saddex sannadood ah ay la gaadhay Carvajal, uuna sii joogi doono Madrid illaa 2025ka, kaas oo maanta gellinka dambe la shaacin doono.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in Madrid iyo Carvajal ay heshiiskooda gaadheen sannad ka hor laakiin ay u dhinnayd waxyaabo yaryar oo xaal-xaal ah oo hadda la dhamaystiray.

Dani Carvajal oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid ayaa cimrigiisa oo dhan joogay Santiago Bernabeu marka laga reebo hal sano oo uu amaah ugu maqnaa Bayern Leverkusen oo uu kasoo laabtay sannadkii 2013kii.

Siddeed sannadood oo uu xubin muhiim ah ka ahaa, waxa uu kula guuleystay laba horyaal oo LaLiga ah, afar Champions League iyo koobab kale oo badan oo isugu jira maxalli iyo kuwo kale, waxaana uu u saftay in ka badan 200 kulan oo horyaalka LaLiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More