Real Madrid Oo Dhirbaaxo Xanuun Kulul Ku Dhufatay Barcelona

Real Madrid ayaa Barcelona kaga guuleysatay saxeexa ciyaartoy da’da yar oo layaab leh, kaas oo ay ku loollamayeen intii lagu soo dhowaaday dhamaadka suuqa iibka ciyaartoyga ee caawa saqda dhexe lasoo afjarayo.

Los Blancos ayaa suuqa xagaagan aan wax saxeexyo ah samaynin, waxaana kaliya furnaa albaabka laga baxayo, iyadoo iibisay Sergui Reguilon, Achraf Hakimi, James Rodriguez, dhawr ciyaartoy oo amaah ku maqnaa iyo kuwo kale oo da’yarteeda ku jiray.

Sidoo kale, waxay amaah ku bixisay Gareth Bale, Dani Ceballos, Kubo, Reinier, Brahim Diaz, Moyoral iyo kuwo kale si ay iskaga fudaydiso mushaharooyinkooda xad-dhaafka ah xilli Korona Fayras uu jilbaha u dhigay dhaqaalaha dunida iyo midka kooxahaba.

Saxeexa kaliya ee ay Real Madrid samaysay xagaagan ayaa waxa uu noqday mid ay ku garaacday kooxda ay cadaawadda weyni ka dhaxayso ee Barcelona, taas oo guul kale u ah Los Blancos.

Real Madrid ayaa dhamaystirtay 16 jirka kooxda Real Mallorca ee Rafael Obrador oo u dhashay waddanka Spain, kana ciyaara difaaca bidix.

Da’yarkan oo lagu tilmaamo kuwa ugu hibada badan ee usoo baxaya Spain ayaa waxa uu bartilmaameed u ahaa Real Madrid muddo dheer, waxaanay hadda ku guuleysatay saxeexiisa.

Barcelona ayaa si weyn ugula loollamaysay Real Madrid saxeexa Obrador, waxaana ugu dambayntii kala saaray laacibkan oo doortay inuu ku biiro kooxda tababare Zinedine Zidane ee Real Madrid.

Los Blancos waxa kale oo caawiyey xidhiidhka fiican ee ay la leedahay Real Mallorca oo ay hore ugala soo saxeexatay ciyaaryahanno ay ka mid ahaayeen Pablo Ramon iyo Xavi Sintes oo hadda ku jira kulliyadda Real Madrid iyo sidoo kale Marco Asensio oo kooxda heerka koowaad ee Los Blancos ka tirsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More