Real Madrid Oo Barbarro Ay Abaal Ku Qabtay Ka Heshay Getafe, Atletico

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lumisay laba dhibcood kulan adkaa oo ay dersin ciyaartoydeeda ka mid ahi ka maqnaayeen oo ay safar ugu tagtay Getafe, taas oo ay kusoo kala baxeen goolal la’aan.

Real Madrid ayaa garoonka kusoo gashay shax aanay ku talo-gelin in ay guuleystaan, taas oo kaydkana ay ugu jireen Toni Kroos, Karim Benzema iyo ciyaartooyo aanad hore u arag, una maqal oo ka tirsan kooxda da’yarta.

Los Blancos ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhalisay gool uu u saxeexay Mariano Dias oo kusoo bilowday safka hore, laakiin VAR oo laga soo daawaday ayaa goolkaas waxba kama jiraan ka dhigtay kaddib markii sawirradu muujiyeen Diaz oo offside sii galay ka hor intii aanay kubaddu soo gaadhin.

Getafe ayaa heshay fursado badan oo ay ugu dhowaatay in ay goolal dhaliso, waxaase la tacaalay oo shabaqiisa u ogolaan waayey goolhaye Thibaut Courtois oo ahaa laacibka dhibicda ay uga mahadcelinayso Real Madrid, waxaana sidoo kale dedaal badan sameeyey difaaca reer Brazil ee Eder Militao oo halgan galay xilli ay maqnaayeen difaacyahannadii kale ee Nacho, Ramos, Varane, Carvajal, Mendy iyo Lucas Vazquez.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Getafe ayaa ku doodday in ay heshay rikoodhe oo loo soo daawado, xilli ay ka cabanayeen qalad uu Militao ku galay, waxaase VAR ay ku adkaysatay in aanay waxba dhicin.

Barbarrahan ayaa Real Madrid ay ku yeelatay 67 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta labaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Atletico Madrid oo yeelatay 70 dhibcood kaddib xasuuq ay u geysatay Eibar oo marti u ahayd.

Tababare Diego Simeone ayay kooxdiisu heshay guul weyn oo goolasha ay daqiiqado gudahood ku dhashatay, waxaanay saddexdaas dhibcood ka caawiyeen in ay ku sii negaadaan horyaalka iyagoo waliba haysta dhibco ka badan intii ay hore uga sarreeyeen kooxaha kusoo xiga ee Real Madrid iyo Barcelona.

Barcelona oo aan usbuucan ciyaarin, Sabtidiina ku guuleysatay Copa del Rey ayaa haddii ay badiso kulankeeda baaqiga u ah waxay geli doontaa kaalinta labaad iyadoo hal dhibic ka sare mari doonta Real Madrid.

Si kastaba, isbeddelka ku yimid miiska kala-sarraynta horyaalka ee saddexda kooxood ee ugu horreeya ayaa waxa uu yahay in Atletico ay dheeraysatay hoggaanka, sidoo kalena ay Real Madrid awoodi weyday in ay hesho guul ay Barcelona kaga baxsan karto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More