Real Madrid Iyo Barcelona Oo Ku Tartamaya Saxeexa Xiddig

5

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Khamiis ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Liverpool iyo Manchester United ayaa war wanaagsan ka helay saxeexa daafaca 22 sano jirka ah ee RB Leipzig ee Dayot Upamecano iyadoo mustaqbalkiisa la go’aamin doono bisha January, Bayern Munich ayaa la sheegay inaysan awoodi doonin saxeexiisa. (Bild via Mirror)

Goolhayaha kooxda Chelsea iyo xulka Spain ee Kepa Arrizabalaga ayaa qaab amaah ah kaga bixi doona kooxdaas isagoo xataa mushahar dhimis samayn doona si uu waayihiisa ciyaareed dib ugu soo nooleeyo. (Sun)

Manchester United ayaa haysata fursada ay kula soo wareegto daafaca dhexe ee Real Madrid ee Raphael Varane. (Manchester Evening News)

Real Madrid ayaa Barcelona kula tartami doonta saxeexa khadka dhexe ee Liverpool ee Georginio Wijnaldum oo 30 sano jir ah. (Corriere Dello Sport via Sport)

Xiddigii hore ee xulka qaranka Cameroon iyo kooxda Barcelona ee Samuel Eto’o oo 39 sano jir ah ayaa wadahadalo kula jira kooxda dookha saddexaad ee Spain ee Racing de Murcia isagoo ka fikiraya inuu kubadda cagta kusoo laabto walow uu September 2019 kubadda cagta ka fadhiistay. (Goal)

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa wargelin dadban u diray Manchester City oo saxeexiisa doonaysa kaddib markii uu qirtay inuu ka daalay in lagu eedeeyo dhammaan waxa kooxda ka dhaca. (Express)

Bayern Munich daafaceeda David Alaba ayaa bar-tilmaameedka koowaad u ah Real Madrid haddiiba uu Sergio Ramos ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan. (AS)

Barcelona ayaa u muuqata mid aan la saxeexan karin daafaca Manchester City ee Eric Garcia bisha January maadaama oo aysan City kasoo dagi doonin lacagta 20-ka Milyan ee euro ah ee ay ku doonaysay. (Marca)

Xiddigii hore ee Barcelona ee Xavid Hernandez ayaa noqon kara Sir Alex Ferguson-ka kooxdaasi hadiiba uu kusoo noqdo isaga oo tababare ah sida uu sheegay murashaxa madaxweyne ee Victor Font. (Reuters)

18 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga ayaa sheegay inuu ku riyoodo ku biirista koox weyn walow uusan meesha ka saarin inuu kooxdiisa heshiis kordhin u samayn karo. (AS)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More