RASMI: Xulka Qaranka Portugal Oo La Shaaciyey – Ronaldo, Felix, Dias,

0

Xulka qaranka Portugal ayaa isku diyaarinaya in ay difaacdaan tartanka Euro 2020 ee ay ku guuleysteen sannadkii 2016, waxaana ay doorkan haystaan ciyaartooyo aad u wanaagsan oo ka dhisan boos walba.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka dalkaas  ku meteli doona tartanka qaramada Yurub ee bisha dambe ee June bilaabmi doona, waxaanu soo urursaday ciyaartooyo hibo iyo tayo badan oo u dheer yahay Cristiano Ronaldo.

Santos ayaa waqti dambe oo xalay ah, waxa uu soo saaray 26 ciyaartoy oo dalkaas uga qayb-gelaya tartankan oo ay shan sannadood ka hor ku guuleysteen, waxaana ku jira laacibiin khibrad badan iyo kuwo da’yar.

Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah iyo Pepe oo 37 jir ah ayaa labaduba ku jira xulka qaranka Portugal, sidoo kalena labada laacib ee Wolves ee ruug-caddaaga ah ee Joao Matinho iyo Rui Patricio ayaa iyagana lagu soo daray. Afartan ciyaartoy ayaa isku-geyntooda waxay xulka dalkooda u safteen 508 ciyaarood.

Weeraryahanka Liverpool ee Diogo Jota oo dhaawac ah ayaa isagana lavatory yeedhay, waxaana wehelinaya labada da’yar ee afka hore ee 21 jirrada ah ee Joao Felix iyo Pedro Neto.

Portugal oo ku jira Group-ka F, waxaana wehelinaya Hungry, Germany iyo France, taas oo ka dhigaysa hormada ugu adag.

Kulanka ugu horreeya waxay ballansan yihiin Hungrary oo ay wada ciyaari doonaan June 15 ka hor inta aanay Germany iyo France kulmin.

Inta aanay ciyaaraha Euro bilaabmin, laba ciyaarood oo saaxiibtinimo ayuu xulka Portugal ciyaari doonaa, waxaanay isku sii tijaabin doonaan Spain iyo Israel.

Liiska ciyaartoyda xulka qaranka Portugal oo dhamaystiran:

Goolhayeyaal: Anthony Lopes (Olympique Lyon), Rui Patrício (Wolverhampton), Rui Silva (Granada).

Difaacyahano: Joao Cancelo (Manchester Metropolis), Nelson Semedo (Wolverhampton), Jose Fonte (Lille), Pepe (Porto), Ruben Dias (Manchester Metropolis), Nuno Mendes (Sporting CP), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund).

Khadka dhexe: Danilo Pereira (PSG), Joao Palhinha (Sporting CP), Ruben Neves (Wolverhampton), Bruno Fernandes (Manchester United), Joao Moutinho (Wolverhampton), Renato Sanches (Lille), Sergio Oliveira (Porto), William Carvalho (Actual Betis).

Weerarka: Pedro Goncalves (Sporting CP), Andre Silva (Eintracht Frankfurt), Bernardo Silva (Manchester Metropolis), Cristiano Ronaldo (Juventus), Diogo Jota (Liverpool), Goncalo Guedes (Valencia), Joao Felix (Atletico Madrid), Rafa Silva (Benfica).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More