RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Ingiriiska Ee FA Oo Ganaaxyo Kusoo

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaaxyo kusoo rogay kooxaha Chelsea iyo Leicester Metropolis, kuwaas oo Salaasadii ay ciyaartoydoodu isku dhaceen markii ay soo dhamaatay kulankoodii horyaalka Premier League ee ay Chelsea ku badisay 2-1.

Ciyaaryahanadda labada kooxood, laacibiintii kaydka fadhiyey iyo shaqaalaha tababarka ee labada kooxood ayaa waqtigii dhamaadka ku milmay rabshad iyo qas ka abuurmay taako xun oo uu Ricardo Pereira ku qabtay Ben Chilwell.

Difaaca Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa ka cadhooday qaladka uu Pereira ku galay Chilwell, waxaanu sabab u noqday in labada kooxood sanka isla galaan.

Falcelinta cadhada leh ee uu muujiyey Rudiger oo gacanta ula tegay Pereira yaa waxay keentay in ay isku muruxsadaan ciyartoyda labada kooxood, iyadoo ay marka horena boogta kooxdan sii xoqday ficilkii uu sameeyey Daniel Amartey kaddib finalkii FA Cup oo uu ku gafay calaamada Chelsea xilli ay ku dabbaal-degayeen qolka lebbiska Wembley Stadium.

Garsoore Mike Dean ayaa isku dayay in uu ciyaartoyda kooxda kala joojiyo, sidoo kalena garsooraha afraad iyo calan-wadeyaasha ayaa qayb ka noqday, balse waxa muddo socday qas u dhexeeyey labada kooxood.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska Ingiriiska ayaa ganaax ku riday labada kooxoodba, kaas oo soo baxay waqti ay isku diyaarinayaan kulamadooda ugu dambeeya xilli ciyaareedkan 2020-21.

Chelsea ayaa kulan ultimate oo kale ah oo horyaalka Premier League ah waxay Axadda u tegi doontaa Aston Villa, taas oo haddii ay kasoo badin weydo ay suurtogal tahay in ay u dhacdo kaalinta shanaad ee miiska kala-sarraynta maadaama ay min hal dhibic ka sarrayso Liverpool oo afraad ku jirta iyo Leicester Metropolis oo farqiga goolasha shanaad ugu degtay.

Leicester Metropolis ayaa iyaduna la ciyaari doonta Tottenham, waxaana haddii ay guuleysan waayaan ay ka ciyaari doonaan Europa League, halka Liverpool oo Crystal Palace la ballansan ay iyaduna ku qasban tahay in ay badiso amaba khasaare soo gaadho Leicester Metropolis ay ku faa’iidi karto.

Thomas Tuchel oo ka hadlay qaskii labada kooxood ee Salaasadii ayaa yidhi: “Antonio Rudiger wuxuu ku cadhooday Ricardo Pereira oo uu hujuumay, taas ayaa sababtay dagaalka. Anigu waxaan u sheegayay in uu is-dejiyo.”

Si kastaba, xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa soo saaray ganaax lacageed oo dhan £25,000 Gini oo labada kooxood lagu riday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More