RASMI: Xiddig Ka Tirsanaa Chelsea Oo Heshiis Rasmi Ah Ugu Wareegay

Xiddiga ka tirsanaa Chelsea ayaa u wareegay koox kale oo reer London ah oo ay ku wada xafiiltamayaan horyaalka Premier League, taas oo uu qalinka ugu duugay heshiis shan sannadood ah.

Crystal Palace ayaa shaacisay inay heshiis rasmi ah kula soo wareegtay difaaca Chelsea ee Marc Guehi oo saxeexay qandaraas shan sannadood ah, laakiin lama sheegin caddadka lacagta ay Chelsea ku iibisay laacibkeedan oo kasoo laabtay amaah uu xilli ciyaareedkii hore ugu maqnaa Swansea City.

Tababaraha cusub ee Crystal Palace ee Patrick Vieira oo ah halyeygii khadka dhexe iyo kabtankii Arsenal oo dhowaan loo magacaabay kooxdaas ayaa gacanta ku dhigay 21 jirkan.

Warbaahinta Ingiriiska ee fadhigeedu yahay magaalada London ayaa ku warrantay in Guehi uu iska diiday heshiis cusub oo ay u bandhigtay Chelsea oo uu waqtiga ku kordhinayay. Waxa kale oo uu iska diiday in mar kale lagu bixiyo amaah, isagoo doortay inuu si rasmi ah uga tago Stamford Bridge.

Warka intaas ku daray, in Chelsea ay xuquuqda ciyaartoygan qayb kusii yeelan doonto haddii ay Crystal Palace iibiso mustaqbalka oo lacagta lagu iibiyo ay qayb yeelan doonto.

Guehi ayaa noqonaya difaacii labaad ee kasoo baxay kulliyadda Chelsea ee Cobham ee ka taga xagaagan.

Waxa kale oo isaguna ay Chelsea iibisay difaaca reer France ee Fikayo Tomori oo bishii hore ay AC Milan si rasmi ah ugu qaadatay lacag dhan £25 milyan oo Gini.

Guehi ayaa Chelsea joogay illaa intii ay da’diisu ahayd 8 jir, isagoo usoo ciyaaray kooxaha U8, U15 iyo U16 ka hor intii aanu usoo usoo dallicin U-18 saddex koob xilli ciyaareedkii 2016-17.

Laacibkan ayaa sidoo kale noqday kabtanka xulka qaranka England ee ay da’doodu ka hoosayso 17 jirrada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More