RASMI: Thibaut Courtois Oo Cimrigiisa Ciyaareed U Hibeeyey Real Madrid

Goolhayaha reer Belgium ee Thibaut Courtois ayaa cimrigiisa ciyaareed u hibeeyey kooxdiisa Real Madrid, waxaanu qalinka ku duugay heshiis cusub oo ku haynaya Santiago Bernabeu illaa ay da’diisu noqonayso 34 jir.

Courtois oo u ciyaarayay Real Madrid tan iyo markii uu uga soo wareegay Chelsea xagaagii 2018, waxa uu saxeexay heshiis cusub oo shan sannadood ah oo soconaya illaa laga gaadhayo sannadka 2026.

29 jirkan oo ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan, ayaa ciyaartiisu sarraysay labadii xilli ciyaareed ee u dambeeyey halka uu sannadkiisii koowaad ee Los Blancos uu u muuqday mid la qabsan la’ horyaalka LaLiGA.

Real Madrid ayaa kusoo bandhigtay Courtois qolkeeda masraxa ee koobabku ka buuxaan isaga oo sare u haya garanka uu kooxda u xidho oo uu ku qoran yahay waqtiga uu ku egyahay heshiiska uu saxeexay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayay ku sheegtay in Courtois oo uu kooxda lasii joogi doono illaa sannadka 2026.

“Real Madrid iyo Thibaut Courtois waxay gaadheen heshiis cusub oo ay ku kordhiyeen qandaraaska ciyaartoydan muddo shan sannadood oo kale ah oo ku eg illaa June 30, 2026.” Ayay Real Madrid ku war-saxaafadeedkeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More