RASMI: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Saxeexa Difaac Loo Carbinayo

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday saxeexa difaaca ay u carbinayso in uu u buuxiyo booska kabtankeedii Sergio Ramos ee sida xorta ah uga tegay, una wareegay PSG.

Kooxda reer Brazil ayaa ku jirta xaalad kala guur ah, waxaana kaddib bixitaankii Sergio Ramos isagana shaki la gelinayaa Raphael Varane oo wada-hadallo kula jira Manchester United, lana rumaysan yahay inuu tegayo maadaama uu qandaraaskiisa ka hadhsan yahay sannad kaliya, illaa haddana aanu ogolaanin inuu saxeexo heshiis cusub.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa isku-dubba ridinaya ciyaartoyda niyad ahaanta ay uga go’an tahay inay sii joogaan kooxda, halka uu ula diyaar yahay shaambadda ogolaanshaha kuwa qandaraasyadoodu dhamaadka yihiin ee bixitaanka doonaya.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in difaaceeda reer Spain ee Nacho Fernandez uu saxeexay heshiis cusub oo uu ku kordhiyey qandaraaskii uu hore ugula jiray kooxda.

Laacibkan oo bandhig cajiib ahaa sameeyey xilli ciyaareedkii hore markii ay dhaawacmeen Varane iyo Ramos, ayna isfaham wanaagsan oo wada shaqayn ah samaysteen Eder Militao ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo sannad ah oo uu ku kordhiyey qandaraaskiisii hore oo ku ekaa sannad kaddib.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in uu Nacho sii joogo Real Madrid illaa 2023 oo ah laba sannadood kaddib.

Nacho Fernandez ayaa kulliyadda Real Madrid kusoo biiray 20 sannadood ka hor, waxaanu kooxda koowaad ka mid noqday April 2011 xilligaas oo uu Jose Mourinho soo dallacsiiyey, isla markaana ciyaarsiiyey kulan ay Valencia ku garaaceen 6-3 oo ka dhacay Mestalla Stadium.

Tan iyo waqtigaas, waxa uu Nacho u ciyaaray Real Madrid 233 kulan, halka uu da’yarteedana u saftay 111 ciyaarood.

31 jirkan ayaa qayb ka ahaa guulihii Real Madrid ee intii u dhaxaysay 2014 illaa 2018 ee afarta Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More