RASMI: Neymar Oo Heshiis Cusub U Saxeexay PSG Iyo Mushaharka Waallida

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa qalinka ku duugay heshiis uu waqtiga ugu dheereeyey kooxdiisa Paris Saint-Germain, kaas oo Parc des Princes kusii hayn doona illaa laga gaadhayo June 30, 2025.

Neymar oo toddobaadkii hore shaaciyey in uu ku faraxsan yahay PSG ayaa soo afjaray hadal-hayn ka taagnayd mustaqbalkiisa oo la sheegayay in ay suurtogal tahay in uu ku laabto kooxdiisii hore ee  Barcelona.

29 jirkan ayaa sidii aanu saaka daabacnay, waxay kooxdu u bandhigtay qandaraas cusub oo uu ku kordhinayo heshiiskiisii hore ee uu kula jiray naadigan oo sannad kali ahi uu ka hadhay, waxaase uu hadda saxeexay heshiis cusub uu ku qaadan doono mushahar aad u badan.

Neymar oo sannadkii 2017 ay PSG lacag dhan £200 milyan oo Gini ay kaga soo iibsatay Barcelona ayaa waxa sannadaha cusub ee uu hadda saxeexay uu toddobaadkii mushahar ahaan ugu qaadan doonaa £500,000 Gini, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka  badan kubadda cagta.

“Waxa aan halkan ugu koray shaqsi ahaan, binu-aadam ahaan iyo ciyaartoy ahaanba.” Ayuu Neymar yidhi markii uu heshiiska saxeexay oo uu la hadlay website-ka PSG.

Laacibkan ayaa PSG u saftay 112 ciyaarood, waxaanu muddadaas u dhaliyey 85 gool iyo 51 kale oo uu caawiye ka noqday, taas oo muujinaysa in waxqabadkiisu aad u sarreeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More