RASMI: Liverpool Oo Shaacisay 10 Xiddig Oo Ka Tagay Kooxda.

Daafaca Joel Matip ayaa hogaaminaya 10 xiddig oo ay Liverpool shaacisay in ay isaga tageen kooxda.

Reds ayaa isku diyaarinaysa la’aanta Klopp ku dhawaad 10 sano.

Tababare Arne Slot ayaa badali doona Klopp waxana ay kooxdu bilowday in y iska fasaxdo xiddigaha.

Xiddigaha Matip Thiago Alcantara waxa liiska kula jira  Adam Lewis, Melkamu Frauendorf, Mateusz Musialowski, Nathan Giblin, Francis Gyimah, Luke Hewitson, Niall Osborne & Cody kuwaas oo ka tagay kooxda.

Sidoo kale Goolhaye Adrian ayaa ka tagay kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Xiddigaha ka tagay Reds waxa u badan xiddigo da’yar ah kuwaas oo aan ka mid ahayn qorshaha fog ee kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More