RASMI: Gianluigi Buffon Oo Shaaciyey In Uu Ka Tegayo Juventus Xilli

Talyeyga goolka ee Talyaaniga ee Gianluigi Buffon ayaa shaaciyey in uu ka tegi doono Juventus mar labaad marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Gianluigi Buffon oo ay da’diisu tahay 43 jir ayaa Juventus ka tegay sannadkii 2018kii isagoo soo afjaray 17 sannadood oo uu Turin joogay, balse hal xilli ciyaareed oo uu kusoo qaatay Paris Saint-Germain oo ay isbeddelayeen Alphonse Areola waxa uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa, kaddib markii uu kooxda reer France kula soo guuleystay horyaalka Ligue 1 iyo koobab kale.

Juventus ayaa waxa uu ugu yimid Wojciech Szczesny oo uu ka riixan kari waayey booska, waxaana uu hadda diyaar u yahay in uu soo gabogabeeyo cimrigiisii ciyaareed ee Previous Girl marka uu dhamaado qandaraaskiisu bisha June ee foodda inagu soo haysa.

Buffon oo la hadlay telefishanka beIN Sports activities ayaa yidhi: “Mustaqbalkaygu wuu cad yahay, waanu qeexan yahay. Tani waa khibrad waqti dheer oo qurux badan oo aan lasoo qaatay Juve, waxayna ku dhamaanaysaa sannadkan.”

Gianluigi Buffon waxa uu intaas kaddib sheegay waxa uu mustaqbalkiisu ku dambayn doono, waxaanu yidhi: “Ama waxaan joojin doonaa ciyaaraha ama waxa aan heli doonaa xal kale oo i dhiirigeliya oo aan ku ciyaaro amaba khibrad kale oo nololeed, waan ka fiirsan doonaa.

“Waxa aan dareemayaa in aan wax walba u hurday Juve. Waxa aan aniguna ka helay wax walba, intaas wax ka badanna ma qaban karayo.

“Waxa aan gaadhay waqtigii dhamaadka, waana waqtigii aan ka bixi lahaa dhibka.”

Sida uu sheegay Adriano Del Monte, kulanka ugu dambeeya ee Gianluigi Buffon uu xidhan doono shaadhka Juventus ayaa la filayaa in ay noqoto ciyaarta finalka Coppa Italia ee ay Atalanta la ciyaari doonaan 19ka bishan Might.

Juventus ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta qalalaase, waxaanay horyaalka kaga jirtaa kaalinta shanaad iyadoo xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniguna ay ku hanjabayaan in ay gebi ahaanba ka caydhin doonaan horyaalka haddii aanay ka laabanin tartanka Tremendous League ee ay kooxdu ku adkaysanayso in ay qaybta ka tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More