RASMI: Eric Lamela + 22 Milyan Ginni Oo Lagu Soo Bedeshay 20 Jir

Tottenham ayaa ku dhawaaqday saxiixa Bryan Gil oo ay kala soo wareegeen kooxda Sevilla iyadoo Eric Lamela uu ku biiray Sevilla isagoo qeyb ka ahaa heshiiskaan.

Sevilla ayaa 20 jirkaan ku iibisay 22 milyan ginni oo lagu daray Eric Lamela.

Bryan Gil saxiixii labaad ee Spurs ee xagaagan

Spurs ayaana uga mahadcelisay daafaceeda bidix Sergio Reguilon inuu ka caawiyay in Gill uu yimaado Waqooyiga London.

Xiddiga reer Spain ayaa heshiis shan sannadood ah u saxiixay kooxda Spurs isagoo sii joogaya ilaa iyo sannadka 2026.

Gil ayaa wacdarro ka dhigay La Liga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo amaah ku joogay kooxda Eibar, wuxuu dhaliyay afar gool halka uu caawiye ka ahaa seddex gool kale.

Spurs ayaa heshiiskaan ku garaacday Arsenal iyo sidoo kale Barcelona iyo Real Madrid oo xiiseynayay saxiixiisa.

Sevilla ayaa dhankeeda shaacisay inay heshiis seddex sannadood ah ka saxiixay Eric Lamela.

29 jirkaan ayaa waqti fiican iyo waqti xunba la qaatay Tottenham isagoo u dhaliyay 27 gool isagoo sidoo kale caawiye ka noqday 47 gool kale 257 kulan uu saftay.

Gil waa saxiixii labaad ee ay Tottenham sameyso xagaagan ka dib markii ay la soo saxiixdeen goolhayihii kooxda Atalanta Pierluigi Gollini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More