RASMI: Daafacii Hore Ee Real Madrid Oo Kubadda Cagta Ka Hawl-Gabay

Daafacii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Valencia ee Ezequel Garay ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga hawl-gabay kubadda cagta isaga oo 34 sano jir ah.

Garay ayaa kusoo qaatay Real Madrid saddex sano intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2011 halka uu Valencia ku biiray sanadkii 2016 isaga oo afar sano ku qaatay gegida Mestalla Stadium.

Sidoo kale daafaca ree Argentina ayaa ahaa mid wakhti kusoo qaatay kooxaha Benfica iyo Zenit balse koox la’aan ahaa tan iyo sanadkii 2020 markaas oo uu Valencia ka hayaamay.

Ezequel ayaa sheegay haatan inuu hawl-gabayo maadaama oo uu saddex sano kusoo dhibanaa dhaawac xataa ku sababay inuu socodku dhibo.

“Saddex sano ayaan si aamusan u dagaalamayay, aniga oo isku dayayay inaan xal u helo dhibaatadan sida lama filaanka ah usoo baxday” ayuu ugu horreynba Garay yidhi.

“Waxa uu ahaa xanuun daran kaas oo xataa mararka qaar iga hor istaagay inaan socdo, February 2020 waxaan ku dhibtooday dhaawac kale oo halis ah kaas oo aan kasoo kabtay, xataa kooxo dhawr ah ayaan kala hadlay soo laabashadayda”

“Laakiin xaqiiqadu waa in aanan awoodin, in aanan ciyaari karayn intaas wax ka badan, haddii aan dalab aqbali lahaa waxaan dareemi lahaa inaan khiyaamay kooxdaas, taageerayaasheeda iyo naftaydaba”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More