RASMI: Chelsea Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxeexeedii Koowaad Ee

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexeedii koowaad ee xagaagan kaas oo beddelay tiro ciyaartooyo ah oo Stamford Bridge ka tegay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoydu.

Chelsea ayaa raadinaysay ciyaartooyo afka hore ah, laakiin sidoo kale waxa ku bannaanaaday boosas kale kaddib markii ay ka tegeen dersin ciyaartooyo ay ku jiraan Fikayo Tomori, Olivier Giroud, Willy Caballero, Billy Gilmour iyo kuwo da’yar ah oo badan oo qaarkoodna amaah ku baxeen kuwo kalena si rasmi ah u tageen.

Tababare Thomas Tuchel ayuu bartilmaameedkiisa koowaad ahaa in uu helo dhaliye dabiici ah, waxaana lala xidhiidhinayay Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund u ciyaara iyo Robert Lewandowski oo Bayern Munich ah, balse labadoodaba waxa muuqata in aanay heli doonin xagaagan.

Roman Abramovich ayaa intii aanu xilli ciyaareedkuba bilaabmin u ballan-qaaday Tuchel in uu siinayo lacago uu ku dhiso kooxda, waxaanu ugu daray heshiis cusub oo loogu kordhiyey lacagta iyo waqtigaba, hase yeeshee wali suuqa kama aanay helin laacibiintii ay u baahnaayeen in ay isku xoojiyaan.

Khadka difaaca ayaa lagu soo warramayaa inay heli doonaan ciyaartoy tayo leh, waana laacibka reer France ee Kounde oo u ciyaara Sevilla oo ay wada-hadallo kula jiraan, halka ay wali raadinayaan ciyaartoyda suurtogalka ah ee ay ka heli karaan suuqa ee afka hore ay usoo qaadan karaan.

Iyadoo xaaladda kooxdu sidaas tahay, Chelsea waxay caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexoodii ugu horreeyey oo noqday Marcus Bettinelli oo si bilaash ah ay kula soo saxeexdeen, kaas oo noqon doona beddelkii Willy Caballero isla markaana goolhayaha saddexaad u ahaan doona.

Bettinelli ayaa la tartami doona Edouard Mendy iyo Kepa Arrizabalaga oo ah goolhayaha koowaad iyo kan labaad, waxaana war-saxaafadeed ay Blues soo saartay ay ku xaqiijisay in Bettinelli uu yahay ciyaartoy si rasmi ah ay ula saxeexdeen oo ka yimid Fulham.

Bettinelli ayaa xirfaddiisa ciyaareed kasoo bilaabay Fulham oo uu ku biiray isagoo 14 jir ah, waxaana dhawr jeer oo maaho lagu bixiyey kaddib uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay xilli ciyaareedkii 2014/15.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More