RASMI: Alexander-Arnold Oo Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ah U Saxeexay

Xiddiga Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxdiisa u saxeexay oo socon doona illaa sannadka 2025-ka oo uu kula sii joogayo naadiga uu kulliyaddeeda kasoo baxay ee uu illaa yaraantii joogay.

Trent Alexander-Arnold oo Liverpool u ciyaaray 179 kulan oo tan iyo markii uu kasoo baxay kulliyadda da’yarta sannadkii 2016, ayaa waxa uu Jurgen Klopp u damaanad qaaday in aanu marnaba ka walaacin mustaqbalkiisa, isagoo xaqiijiyey inuu ku faraxsan yahay kalsoonida kooxdu u hayso.

Website-ka Liverpool ayuu la hadlay markii uu heshiiska saxeexay, waxaanu yidhi: “Sharaf ayay ii tahay fursaddan la i siiyey iyo in kooxdu ay ii muujisay kalsooni ay qandaraaskayga ko kordhisay, sidaa darteedd, kamaba fikirin (heshiiska cusub).

“Xaaladda kooxdu ku jirto iyo heerka ay taagan tahay xirfaddaydu waxay mar walba ii tahay dookh wanaagsan. In aan heshiiska cusboonaysiiyo iyo in aan xaqiijiyo in aan halkan sii joogo waqtii dheer, mar walba way ii fiican tahay, aniga ayaana go’aansaday.”

Trent Alexander-Arnold waxa kale oo uu sheegay inuu ku riyoon jiray in uu Liverpool u ciyaaro iyadoo xataa uu ka mid ahaa ciyaartoydii da’yarta ee kulliyadda kasoo baxday, heshiiskan cusubna uu xaqiijinayo in riyadiisii uu rumaynayo.

Waayihii Trent Alexander-Arnold ee Liverpool ee illaa hadda

22 jirkan difaaca midig waxa kulankii ugu horreeyey ee kooxda koowaad uu u safto uu ahaa  ciyaar ka tirsanayd Carabao Cup oo ay Tottenham la ciyaareen sannadkii 2016kii, waxaana kusoo bilaabay Jurgen Klopp.

Intii ka dambaysay, waxa uu ahaa difaaca midig ee joogtada ah ee Liverpool ay haysato, waxaanu kula guuleystay horyaalka Premier League, Champions League, FIFA Club World Cup iyo UEFA Super Cup.

Xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ayey dhaawacyo kusoo noqnoqdeen, waxaana hoos u dhacday ciyaartiisa, waxaanu midkii ugu dambeeyey soo gaadhay ka hor intii aanay bilaabmin ciyaaraha Yurub ee Euro 2020, sidaas ayaanu ku waayey fursaddii uu waddankiisa kagala qayb-geli lahaa tartanka Euro 2020.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More