Qof Kasta Ayaa Ii Sheegay Inuu Neceb Yahay Ciyaaryahanadda Brazil, Xataa

Louis van Gaal ayaa si cad ugu sheegay in uu iskaga tago Manchester United, sababtuna waxay tahay in uu necbaa ‘ciyaartoyda reer Brazil’, taasina waxay soo afjartay waayihiisii Old Trafford oo uu jeclaa inuu sii joogo.

Rafael da Silva oo ay walaalo ahaayeen Fabio da Silva, waxa uu Manchester United ka tegay markii uu Louis van Gaal tababaraha u noqday sannadkii 2015kii isagoo soo afjaray muddo toddoba sannadood ah oo uu joogay Old Trafford.

31 jirkan ayaa ka sheekeeyey sababtii uu uga tegay Manchester United, waxaanu ku sheegay in ahayd tababare Van Gaal dartii, sababtoo ah, waxa uu macallinka reer Netherlands neceb yahay ciyaaryahannada u dhashay Brazil.

11 kulan oo kaliya oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2014-15 kaddib, waxa uu xidh-xidhay shandaddiisa isagoo ka degay waddanka Faransiiska oo uu kaga biiray Lyon oo uu shan sannadood u ciyaaray ka hor intii aanu uga sii wareegin kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir oo uu xilli ciyaareedkii labaad la bilaabanayo.

Rafael da Silva waxa uu sheegay in markii ay Manchester United tababaraha ka dhigtay Van Gaal, in uu isaguna sii ogaa in aanay kooxda waxba u oollin, sababtuna waxay ahayd, waxa markiiba loo sheegay in uu Van Gaal neceb yahay ciyaartoyda Brazil oo xataa uu si xun ula dhaqmay Rivaldo xilligii uu joogay Barcelona.

“Marnaba kama helin sharraxaad. Markii uu Van Gaal yimid, waxa kaliya oo uu igu yidhi: “Waad tegaysaa.” Sidaas waxa yidhi Rafael da Silva oo u warramayay wargeyska The Athletic.

“Waxa uu la yimid fikrad ah ciyaartooyo uu doonayo iyo kuwo aanu doonayn, waxaanu markiiba sameeyey isbedelladaas. Aniga marna iima sharrixin [sababta uu kooxda uga caydhinayey]. Laakiin waxa aan dad kale ka maqlay ka hor intii aanu imanin, in uu neceb yahay qof kasta oo reer Brazil ah.

“Ma garanayo haddii ay run tahay iyo haddii kale, laakiin waxa aan maqlay in ay kasoo bilaabantay Rivaldo markii uu Van Gaal ahaa tababaraha Barcelona. Rivaldo ayuu geliyey kaydka, kaddibna waxa uu Rivaldo bilaabay inuu si xun ula hadlo si shaqada looga caydhiyo [Van Gaal]. Intaa wixii ka dambeeyey, waxa la ii sheegay inuu nacay reer Brazil.” Ayuu raaciyey.

Rafael oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxa la ii sheegay in uu odhan jiray: ‘Kuwaa reer Brazil waxay jecel yihiin in tababareyaasha la eryo,”

Louis van Gaal ayaa ahaa tababaraha Barcelona intii u dhaxaysay 1997 illaa 2000, waxaana waqtigaas hormood u ahaa kooxda Rivaldo oo markii dambena uu soo dhex-galay khilaaf meel walba laga ogaaday.

Van Gaal waxa uu doonayay in Rivaldo uu ka ciyaaro baal bidix oo weerar ah, halka uu halyeyga Brazil doonayay inuu ka ciyaaro khadka dhexe oo ahaa booskiisa dabiiciga ah. Markii Van Gaal dib uu ugu soo noqday Barcelona sannadkii 2002, Rivaldo ayaa iskaga tegay oo ku biiray AC Milan.

Mar la weydiiyey Van Gaal waxa ka jira doodda Rafael iyo inuu neceb yahay ciyaartoyda Brazil, waxa uu ku jawaabay: “Ma qiyaasi kartid binu-aadamka ama tababaraha – haddii aad u malayso in aanu hal ciyaartoy oo Brazil ahi xirfadle ahayn, sidaas oo kale ayay u wada malaynayaan shacabka kale ee Brazil.

Van Gaal ayaa laga caydhiyey shaqada sannadkii 2016kii laba sannadood oo uu joogay Manchester United kaddib, isagoo kula guuleystay FA Cup. Intaa wixii ka dambeeyey ma qabanin shaqo kale oo tababarenimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More