QISH Laga Helay Xulka England Ee Caawa: Jack Grealish Oo Markii U

Jack Grealish ayaa kusoo bilaaban doona kulankiisii ugu horreeyey ee Euro ah marka ay caawa garoonka Wembley ku kulmaan Czech Republic oo hore ay labadooduba u xaqiijisteen inay u gudbeen wareegga 16ka.

Gareth Southgate ayaan kulankan haysanin xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount oo booskiisu joogto ahaa, waxaanay da’yarkan iyo saaxiibkiisa Chelsea ee Ben Chilwell ku jiraan Karantiil.

Tani waxay fursad u tahay kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish oo khadka dhexe ka beddelaya Mount, waxaana sugaysa shaqo ah inuu ismuujiyo si uu kulamada xiga booskiisa u heli karo.

Tababaraha England ayaa samaynaya isbeddello kulankan, waxaana markii u horreysay kusoo bilaabanaya Harry Maguire oo kasoo laabtay dhaawac.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa heshay qish ku saabsan shaxda Gareth Southgate oo ay ka muuqdaan Maguire iyo Jack Grealish.

Labadan ciyaartoy ayaa ah kuwa la xaqiijiyey inay ku jiraan shaxda, laakiin inta kale oo la saadaaliyey ayaa waxay warbaahinta Ingiriisku tilmaantay in aanu ku jirin Phil Foden oo kulankii koowaad kusoo bilowday, taas beddelkeedana ay fursaddooda heli doonaan Jadon Sancho iyo Bukayo Sako.

Harry Kane ayaa lama taabtaan ah oo ku jira shaxda hore, halka Raheem Sterling ay warbaahintu geliyeen madmadow haddii uu kasoo hormari doono Sancho ama Rashfrod.

Waa tan shaxda England ku ciyaarayso kulanka caawa ee Czech Republic:

England XI: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Philips, Rice, Saka; Grealish, Sancho, Kane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More