QIIMAYN: Waddamada Ugu Cadcad Ee Loo Saadaalinayo Koobka Adduunka 2022

Maalmo kaddib markii uu soo dhamaaday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxa durba bilowday saadaasha iyo qiimaynta koobka Adduunka sannadka dambe ee Qatar 22, kaas oo aan wali la go’aamin dhamaan dalalka ka qayb-gelaya oo ay qaarkood isreeb-reeb ku jiraan.

Talyaaniga oo aan laga badinin 34 ciyaarood oo xidhiidh ah, kuna guuleystay finalkii Euro 2020 oo ay Ingiriiska rikoodheyaal kaga badiyeen ayaa noqday waddanka kaalinta shanaad kaga jira saadaasha koobka adduunka, halka Ingiriisku uu kasoo horreeyo oo uu kaalinta saddexaad ku jiro.

Argentina oo ku guuleysatay koobka Copa America oo Brazil ay ka qaadeen toddobaadkan ayaa ku jira kaalinta siddeedaad ee waddamada ugu cadcad ee loo saadaalinayo inay ku guuleystaan Koobka Adduunka 2022, halka dalkii ay koobka ka qaadeen ee Brazil ay yihiin waddanka ugu horreeya ee kaalinta koowaad ku jira ee koobka loo saadaalinayo.

Qiimayn la sameeyey ayaa waxa lagu soo xulay 15ka waddan ee ugu cadcad oo ay Brazil kaalinta u horreysa fadhido, waxaana ku xiga Faransiiska oo koobkan difaacanaya kaddib markii ay ku guuleysteen sannadkii 2018kii.

Faransiiska oo ka mid ahaa dalalkii loo saadaalinayay tartankii qaramada Yurub balse ku hadhay wareegga 16ka, ayay qiimayntani muujisay inuu yahay dalka labaad ee fursadda ugu fiican u haysta hanashada Koobka Adduunka, iyadoo uu waliba hoggaaminayo Didier Deschamps oo sii haynaya xilka illaa waqtigaas.

Xulka qaranka Chile ayaa kaalinta u hoosaysa ee 15aad kaga jira qiimaynta, waxaana ka horreeye Denmark iyo Croatia, halka Urugay iyo Colombia ay iyaguna ka baxsan yihiin tobanka sare.

Halkan kaga bogo 15ka dal ee fursadaha ugu fiican u haysta hanashada Koobka Adduunka 2022:

15. Chile – 66/1

=13. Denmark – 50/1

=13. Croatia – 50/1

=11. Uruguay – 40/1

=11. Colombia – 40/1

10. Netherlands – 16/1

=8. Portugal – 12/1

=8. Argentina – 12/1

7. Belgium – 11/1

=5. Italy – 10/1

=5. Germany – 10/1

4. Spain – 8/1

3. England – 7/1

2. France – 6/1

1. Brazil – 11/2

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More