QIIMAYN: 20kii Saxeex Ee Ugu Wanaagsanaa Suuqa Xagaagan Iyo Midka

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan waxa uu ku bilowday si caajis ah oo la moodayay in kooxuhu ka cago-jiidayaan in ay lacag u huraan ciyaartooyo cusub maadaama ay jirto dhaqaale xumo ba’an oo ka dhalatay Fayraska Korona, laakiin gadaal ayuu ka noqday mid mashquul ah oo ay kooxuhu samaynayaan saxeexyo waaweyn.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa noqday midka saxeexyada ugu badan sameeyey, waxaana soo raacay Ligue 1-ka Faransiiska iyo saddexda kale ee LaLiga, Bundesliga iyo Serie A oo iyaguna si firfircoon uga adeegtay, inkasta oo ay kooxaha qaarkood ahaayeen kuwo xiddigo waaweyn ka tageen.

Qiimayn lagu sameeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxa lagu soo xulay 20kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee kooxaha u kala wareegay.

Sergio Ramos oo PSG ay si bilaash ah kula saxeexatay ayaa galay kaalinta ugu dambaysa ee 20aad, waxaana ku xiga oo 19aad ah Michael Olise oo Crystal Palace ay kasoo iibsatay Reading, halka Eric Garcia oo Barcelona si bilaash ah kaga soo qaadatay uu 18aad fadhiyo.

Dhinaca kale marka laga soo eego, waxa kaalinta koowaad ama saxeexii ugu wanaagsanaa ee xagaagan la sameeyey noqday xiddiga Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma oo si bilaash ah ay PSG kagala soo wareegtay AC Milan, waxaana ku xiga Raphael Varane oo Manchester United ay kasoo qaadatay Real Madrid iyo Jadon Sancho oo isaguna saddexaad soo galay kaddib markii ay United kasoo iibsatay Borussia Dortmund.

Waa kuwan 20kii saxeex ee ugu wanaagsanaa xagaagan:

20. Sergio Ramos (Real Madrid => PSG, Heshiis xor ah)

19. Michael Olise (Reading => Crystal Palace, £8m)

18. Eric Garcia (Man City => Barcelona, Heshiis xor ah)

17. Hakan Calhanoglu (Milan => Inter, Heshiis xor ah)

16. Ibrahima Konate (RB Leipzig => Liverpool, £36m)

15. Emiliano Buendia (Norwich => Aston Villa, £38m)

14. Rodrigo de Paul (Udinese => Atletico Madrid, £30m)

13. Jack Harrison (Man City => Leeds, £11m)

12. Boubakary Soumare (Lille => Leicester, £17m)

11. Memphis Depay (Lyon => Barcelona, Heshiis xor ah)

10. Patson Daka (RB Salzburg => Leicester City, £23m)

9. Pierluigi Gollini (Atalanta => Spurs, amaah)

8. Mike Maignan (Lille => Milan, £12m)

7. Georginio Wijnaldum (Liverpool => PSG, Heshiis xor ah)

6. Achraf Hakimi (Inter => PSG, £60m)

5. David Alaba (Bayern => Real Madrid, Heshiis xor ah)

4. Andre Silva (Eintracht Frankfurt => RB Leipzig, £20m)

3. Jadon Sancho (Dortmund => Man Utd, £73m)

2. Raphael Varane (Real Madrid => Manchester United, £40m)

1. Gianluigi Donnarumma (Milan to PSG, Heshiis xor ah)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More