Qiimaha Dhabta Ah Ee Ay Man United Ku Heshay Raphael Varane Oo Layaab

Kooxda Manchester United ayaa dhigeeda Real Madrid heshiis buuxa kala gaadhay saxeexa daafaca dhexe ee ree France ee Raphael Varane iyadoo kaliya heshiiskaas ay ka hadhsan tahay in si rasmi ah loo shaaciyo.

Manchester ayaa heshay daafac dhexe oo ahaa mid kamida boosaska ay doonaysay inay inta ugu badan iska xoojiso gudaha suuqa xagaagan iyagoo kaddib saxeexiisa u dhaqaaqi doona bar-tilmaameedyada kale ee ay isha ku hayaan.

Haddaba, kaddib isfahamka labada dhinac dhex maray ayay dhammaan saxaafada England gaar ahaan kuwa xogtooda lagu kalsoon yahay ee Manchester Evening News iyo The Telegraph sheegayaan inuu heshiisku kaliya 34 Milyan oo pound ku qabsoomay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 34-kaas Milyan ay dheeraan doonaan 8 Milyan oo pound oo ah lacag ku xidhan shuruudo labada kooxood ay ku heshiiyeen marka ay wadahadalada ku jireen.

Raphael ayaa kooxda ka ciyaarta Old Trafford u saxeexaya heshiis ah afar sano oo sanadka shanaad uu yahay mid ay kooxdu dookh u leedahay inay kordhiso.

Varane ayaa ixtiraam iyo inuusan bixitaan qasbayn u muujiyay Real oo uu tobban sano oo dahabi ah kusoo qaatay balse u sheegay aragtidiisa ah inuu doonayo loolan cusub.

Ugu dambayn, Varane ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka maalmaha soo socda maro balse kaddib geli doona karantiin kahor inta aan si rasmi ah loo xaqiijin saxeexa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More