Pogba ayaa helay boos cusub kadib qaab ciyaareed cajiib ah

Ole Gunnar Solskjær ayaa boos cusub u helay Paul Pogba oo ka mid ah  xidigaha shakiga laga qabo mustaqbalkisa, ciyaaryahanka khadka dhexe.

Pogba ayaa laga ciyaarsiyey khadka dhexe ee daafaca kulankii Wolves wuxuuna ku dhibtooday inuu xakameeyo ciyaarta markii United ay la heshay shabaqa gool waqtigii dhimashada.

Laakiin wuxuu ku lug lahaa guushii caawa ee Aston Villa ka dib markii uu ka soo bilaabay garabka bidix ee weerarka Red Devils iyadoo Marcus Rashford loo wareejiyay garabka midig.

Isbadalka xidigaa wererka ee Solskjaer ayaa fure u ahaa goolka bilowga ah ee United.

Pogba ayaa si cajiib ah uga soo qaatey xidigii raacanayey siyeyna baas Rashford, kaasoo u dhigay Wan-Bissaka karoos uu dhaliyey Martial.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ayaa markaas door muhiim ah ka ciyaaray goolkii labaad ee United, waxaana uu rigoorada ku guuleystay labo daqiiqo ka dib markii ay barbareysay Aston Villa.

Pogba ayaa sameeyay baasaskii ugu badnaa ee ciyaarta, wuxuu dhameystiray baasaskii ugu badnaa, kan wuxuu ahaa mid ka dhan ah Pogba.

Horyaalnimada

United ayaa haatan si rasmi ah qeyb uga ah loolanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay la mid noqdeen hogaamiyaasha Premier League ee Liverpool.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa farqiga goolasha kaga fiican United laakiin Red Devils oo haatan ciyaaray kulamo la mid ah tan Liverpool ayaa ku jirta safka guusha.

Ciyaarta soo socota ee United ayaa ah inay booqato Burnley shan maalmood ka hor inta aysan labada hoggaamiye ku kulmin Anfield.

Dhibaatada dhanka daafaca ee United wali lama xalin

United ayaa waxaa hareeyay dhibaato dhanka daafaca ah xilli ciyaareedkan, taas oo aan wali la xalin inkasta oo natiijooyin wanaagsan ay heleen.

Solskjaer ayaa xaalada sii xumeeyay kadib markii uu saacad ciyaarta ka dhigay goolka barbaraha.

Markii ay ciyaartoyda United isku dayeen inay dib u dhigaan laadka xorta ah ee Villa, Wan-Bissaka wuxuu ilaaway inuu raaco Grealisg, taasoo u horseeday in ciyaaryahanka heerka caalami ee reer England uu kubbada qaato oo uu u gudbo Traore.

Nasiib wanaag United inay sii ahaato Rashford, Martial Fernandes oo had iyo jeer goolal dhaliso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More