#Philippe Coutinho”Waa Uu Qalbi Jabey” Inkastoo Ay kooxda Man United Xiso uu Qabto

78,562

Kooxda Barcelona ayaa lasoo warinayaa in magaca xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho dhigtay suuqa kala iibsiga ee xagaaga, kaddib markii uu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ciyaaryahanka reer Brazil ayaan qeyb ka noqon doonin mashruuca cusub ee Barcelona xili ciyaareedka soo socda, kaddib markii ay kooxda iibsatay Frenkie de Jong, wuxuuna dalabyo ka helayaa kooxo kale.

Philippe Coutinho ayaa la kulmay eedeymo kala duwan kulamadii ugu dambeeyay ee xili ciyaareedkan, sababa la xiriira inuu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xun, taasoo keentay in Barcelona ay ku harto wareega afar dhamaadka Champions League iyo in sidoo kale ay guuldaro la kulanto finalkii Copa del Rey.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxda Juventus ay xiiseenayoso adeega laacibka reer Brazil, lakiin waxay loolan culus kala kulmi doontaa kooxaha waaweyn Yurub ee kala ah Paris St Germain, Chelsea iyo Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ma awoodi doonto inay ka qeyb qaadato tartankan si ay u helaan saxiixa xiddigii hore ee kooxda Liverpool haddii aan laga qaadin xayiraadda ganaaxa ay FIFA ku soo rogtay ee ah inaysan diiwaan galin karin wax ciyaaryahan ah mudo laba xili ciyaareed ah, ee ilaa iyo xagaaga 2020.

Yeelkadeeda, Philippe Coutinho ayaa yimid kooxda Barcelona bishii janaayo ee 2018, isagoo ciyaaray 76 kulan, wuxuuna dhaliyay 21 gool, xili sidoo kale uu caawiyay 11 gool kale, dhinaca kale laacibka reer Brazil ayaa Barca kula guuleystay labo jeer horyaalka La Liga, 1 jeer Copa del Rey iyo 2 jeer ee ah Spanish Super Cup.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More