Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Pep Guardiola Oo Shaaciyey Sababta Uu Riyad Mahrez Uga Maqan

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Riyad Mahrez ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Manchester City ee kulanka adag ee Liverpool oo la filayay inuu qayb ka noqdo.

Xiddiga reer Algeria oo kusoo bilowday sagaal ka mid tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Manchester City ayaan ku jirin shaxda koowaad iyo kaydka midna, waxaana booskiisii kusoo bilowday Ferran Torres oo garabka midig ee weerarka taagan, halka Bernardo Silva iyo Phil Foden ay laguba kaydka ku jiraan.

Tababare Pep Guardiola oo ka hadlay ciyaartan ayaa sheegay in Mahrez uu uga saaray liiska kooxda dhaawac uu qabay oo aan hore loosii sheegin.

Tababaraha reer Spain oo Sky Sports la hadlayay ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ayaa xusay in Riyad Mahrez oo aasaasi ka ah kooxdiisa uu awoodi kari waayey inuu kasoo kabto dhaawacaas sidaas darteedna uu ugu soo dari waayey liiska ciyaartoygiisa.

Dhinaca kale waxa uu Guardiola amaanay Raheem Sterling oo uu xusay inuu jidh ahaan u yahay mid adag oo aan daal iyo dhibaato toona dareemayn, sidaas darteedna aan loo baahnayn inuu nasiimo siiyo.

“Waa ciyaartoy aan caadi ahay, wuxuu ciyaaraa daqiiqadaha oo dhan sababtuna waxay tahay qaab dhismeedka jidhkiisa.”

Manchester City ayaa saddexdii jeer ee ugu dambeeyey ee ay Liverpool ku qaabishay Etihad Stadium waxay kasoo hoysay guulo, balse waxa xafiiltankoodu uu socon doonaa illaa dhamaadka xili ciyaareedka iyadoo aanay natiijada kulankanna wax badan ka beddeli doonin damacooda iyo in koox waliba ay fursad u haysato inay horyaalka ku guuleysan karto.

How do you rate this story?

0 votes