Pep Guardiola Oo Shaaciyay Shaqada Uu Qaban Doono Marka Uu 72 Jir

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu noqdo tababare xul marka uu gaaro 72 sanno jir, isagoo isku diyaarinaya inuu tababare u noqdo xulka Talyaaniga, wuxuuna durbaba sii shaaciyay shaqsiga uu caawiye ka dhigan doono.

Guardiola oo qeyb ka mid ah waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay horyaalka Serie A ayaa sheegay inuu ku laaban doono Italy marka uu gaaro 72 sanno jir.

Wuxuuna indhaha ku hayaa weeraryahanka halyeeyga Talyaaniga Roberto Baggio inuu markaas ka dhigto caawiye iyagoo u soo wada dheelay kooxda Brescia.

Tababaraha Manchester City oo haatan 50 sanno jir ah ayaa u sheegay Corriere dello Sport: “Johan Cruyff ayaa si weyn u aamini jiray Baggio.

“Wuxuu doonayay inuu ku arko horyaal farsamo sida La Liga, wuxuuna isweydiin jiray haddii uu la qabsan karo kubada cagta Spain.

“Baggio wuxuu ka dheeli karay meelwalba, laakiin sannadahaas macquul ma aheyn in laga dhaadhiciyo inuu ka soo tago horyaalka Serie A. Ciyaaryahanadda ugu fiican waxay joogeen Italy, qof walbana wuxuu doonayay inuu halkaas ka dheelo.

“Marka aan gaaro 72 sanno jir, waxaan tababare u noqon doonaa Italy, waxaan weydiisan doonaa inuu noqdo caawiyaheyga. Waxaan isku dayi doonaa inaan ku soo celiyo dunida kubada cagta. Laakiin kama dhaadhicin kartida Baggio, isaga ayaa go’aansada.”

Guardiola ayaa haatan ku riyaaqaya waayihiisa tababare kooxeed isagoo soo maamulay Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City uu haatan joogo.

Laakiin wuxuu qorsheynayaa inuu mustaqbalka noqdo tababare xul oo uu ka dhex baxo ciyaar kooxeedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More