Paul Merson oo uga digay Erik ten Hag qalalaasaha kooxda Man

(Manchester) 29 Juun 2022. Halyeeyga Arsenal ee Paul Merson ayaa uga digay tababaraha reer Holland iyo kooxda Manchester United ee Eric Ten Hag, jahwareerka Red Devils.

Tababaraha reer Holland ayaa la wareegaya shaqada tababarenimo ee Man United, laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, ka dib markii uu ka tagay Ralf Rangnick.

Wargeyska Sky Sports ee dalka England ayaa waxuu shaaca ka qaaday wareysiga Halyeeyga Arsenal ee Paul Merson, waxaana uu yiri:

“Tani waa shaqo aad u weyn, Manchester United waa kooxda ugu weyn adduunka, Ten Hag ayaa hoggaaminaya kooxda waxayna ku jirtaa xaallad fowdo ah.”

“Ten Hag wuxuu u baahan yahay inuu keeno ciyaartoy badan intii suurtagal ah, sababtoo ah kooxdaan kuma jiri doonto afarta sare.”

“Man United waxay u baahan tahay inay keento ciyaartoy gaar ah, sida Frenkie de Jong, waa ciyaaryahan wanaagsan.”

“Waxay u baahan yihiin ugu yaraan seddex ama afar ciyaaryahan, kaliya si ay ugu tartamaan booska afaraad.”

Waxaa xusid mudan in Man United ay qarka u saaran tahay inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong, ​​kaasoo ay ku iibsanayaan in ka badan 60 million euros.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More