Patrice Evra Oo Dalbaday In La Kansalo Qandaraaskiisa Sky

Patrice Evra ayaa codsaday in la kansalay qandaraaskiisa khabiirnimo ee Sky Sports ka dib markii uu daawaday kooxdiisa hore ee Manchester United oo guuldarro 6-1 ay ka soo gaartay Tottenham.

Daaficii hore ee Red Devils ayaa u muuqday mid aad uga murugeysan xaasuuqii soo gaaray United isagoo soo jeediyay in madaxda Man United ay mudan yihiin in la dharbaaxo.

“Alexis Sanchez ayaa hadal yiri markii uu u saxiixay Man United, tababarkiisii ugu horeysay ee kooxda wuxuu weydiistay wakiilkiisa in la kansalo qandaraaskiisa” ayuu Evra ku bilaabay hadalkiisa.

“Anigana sidaas ayaan weydiisanayaa Sky Sports. Xaqiiqdii waxaan jeclaan lahaa inaan soo gabagabeeyo qandaraaskeyga Sky Sports.

“Waa ciyaartii labaad oo aan falanqeynayo, waxaan ahay shaqsi niyadsan, mana dooneynin inaan ka hadlo United sababtoo ah marka aan runta sheego waa ay i dhaawaceysaa. Kooxdeyda aad ayaan u jeclahay.

“Waan ogahay inaan u baahanahay inaan hadalkeyga koontaroolo marka aan TV ka hadlayo laakiin waxa socda waa dheel dheel.

“Gary Neville ayaa maqlay oo dhahaya kabtan Harry Maguire wuxuu u baahan yahay fasax. Waxaan mar walba ka hadalnaa daafaca ay tahay in laga garab ciyaarsiiyo. Laakiin ka warama haddii aan isaga kooxda ka saarno?

“Ma doonayo inaan bilaabo inaan dhaleeceeyo ciyaartoyda. Anigaba booskooda waa joogay. Waxaan wax badan ka hadlay maamulka kooxda laakiin caawa cid marmarsiiyo leh ma jirto.

“Dhamaantood waxay niyadjabiyeen taageerayaasha United. Waxba ilama mahan natiijada sababtoo ah aniga 6-1 waa la igu soo garaacay. Laakiin sannad walba sidaan ayaan nahay. Haatan waxaan dareemayaa xanuunka taageerayaasha United oo dhan.

“Waa sababta aan haatan u doorbidayo inaan falanqeeyo ciyaar kale bedelkii aan falanqeyn lahaa ciyaarta United

“Ma jecli inaan suuq geyn u sameeyo dagaalka laakiin dad badan oo kooxda jooga ayaa u baahan in si fiican loo dharbaaxo haatan, waana waxa aan sameyn lahaa haddii aan ka shaqeyn lahaa kooxda”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More