NOLOL CUSUB: Waakan Tababaraha Cusub Ee Tottenham Heshay Maalmo Kaddib

Kooxda Tottenham ayaa u muuqata mid heshay tababaraha cusub ee kooxdeeda kaddib markii ay in mudo ah suuqa ugu jirtay bedelka macalin Jose Mourinho oo ay bilo kahor shaqada ka caydhisay.

Mourinho ayaa la wareegay kooxda AS Roma oo uu si rasmi ah u qabsanayo bilawga xilli ciyaareedka dambe halka ay Spurs sii magacaabeen xiddigoodii hore ee Ryan Mason oo kumeel gaadh usii hayay.

Tababaraha cusub ee Spurs ayaa ah Paulo Fonseca oo ah ninka uu Jose Mourinho ka bedelay isla Roma waxaana cajiib ah inuu markiisa kooxda ree London ka noqdo bedelka Mourinho.

Tottenham ayaa galaysa nolol cusub kaddib markii ay maalmo kahor ku dhawaaqday saxeexa madaxii suuqa kala iibsiga kooxda Juventus ee Fabio Paratici oo ah mid aad ugu amaanan shaqada uu Bianconeri kasoo qabtay.

Sida uu sheegayo kanaalka Sky Sports, Fonseca ayaa la filayaa inay saxeexiisa Tottenham shaacin doonto maalinimada Arbacada ah.

Imaatinka tababaraha Portuguese-ka ah ee Spurs ayaa ah mid imanaya kaddib markii ay hore u bur-bureen wadahadalo u dhaxeeyay kooxda iyo tababare Antonio Conte oo bar-tilmaameedkooda koowaad ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More