Nin Sheegtay Inuusan Lab Iyo Dheddig Aheyn Oo U Ciyaaraya Xulka

Xulka kubada cagta gabdhaha Canada waxaa ku jira nin 25 sanno jir ah oo sannad ka hor shaaciyay inuusan lab iyo dheddig midna aheyn, waana shaqsigii ugu horeeyay ee sidiisa oo kale ah ee loo ogolaado ciyaaraha Olimbikada.

Quinn oo ku dhashay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sannad ka hor ku shaaciyay bogiisa Instagram uusan aheyn lab ama dhedig midna.

Wuxuu ka qeyb qaatay kulankii furitaanka ciyaaraha Tokyo isagoo u dheelay xulka gabdhaha Canada.

Waxaa lagu soo bilaabay kulankii habeenka Arbacada ee ay Canada barbaraha 1-1 la galeen xulka gabdhaha Japan.

Waxa uu ahaa bedel kulankii ay Canada 2-1 ku garaaceen Chile ciyaartoydii labaad.

Xiriirka Olimbikada Adduunka (IOC) ayaa u ogolaaday dadka sheegta inaysan aheyn wixii ay ku dhasheen inay ka qeyb gali karaan ciyaaraha Olimbikada tan iyo sannadkii 2004, laakiin ma jirin qof si furan u sheeganaya ilaa iyo haatan ka hor oo ka qeybgalay ciyaaraha Olimbikada.

Isaga kaliya ma ahan raga sheegtay inaysan lab aheyn ee ka qeybgalaya ciyaaraha Olimbikada. New Zealand waxaa tartanka miisaan qaadista dumarka u matalaya nin 43 sanno jir ah oo sheegtay inuu dumar yahay kaasoo durbaba la filayo inuu ku guuleysto bilada dahabka madaama uu ka xoogan yahay dumarka uu la tartamayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More