Neymar Oo Old Trafford Ku Jiid-Jiiday Man United, PSG Oo

Paris Saint-Germain ayaa 3-1 ku garaacday Manchester United oo marti loogu ahaa Old Trafford iyadoo Group H uu si rasmi ah u noqday group-ka geerida madaama ay seddex kooxood 9 dhibcood isla leeyihiin iyadoo hal kulan uu ka harsan yahay wareega group-yada.

Kooxda Faransiiska oo guuldarro kala kulantay United kulankii Paris ayaa aargudatay iyadoo Neymar oo labo gool dhaliyay iyo Marquinhos oo gool dhaliyay ay guusha ku gaareen halka Rashford uu goolka qura uu u dhaliyay Man United iyadoo Fred uu casaan ka qaatay United bartamihii qeybta labaad ee ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Man United, PSG iyo RB Leipzig oo 4-3 kaga soo badisay caawa kooxda Istanbul Baseksehir inay wada leeyihiin 9 dhibcood, iyadoo hal kulan kaliya uu ka harsan yahay Group H.

PSG waxay kulanka ugu danbeeya martigelineysaa Istanbil Baseksehir halka Man United ay u safreysa kooxda adag ee Jarmalka RB Leipzig.

Paris Saint-Germain ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyagoo hogaanka u qabtay kaliya markii ay socotay lix daqiiqo, Kylian Mbappe ayaa iska soo garab maray Scott McTominay sida inuusan hortaagneyn oo kale, iyadoo darbada Mbappe uu celiyay Maguire laakiin kubada oo cirka sarre gashay ayaa waxaa xagal adag ku helay Neymar oo ka dhex bixiyay goolka.

Daqiiqadii 23aad Fred ayaa ka badbaaday in casaan la siiyo ka dib markii uu herdiyay xiddiga khadka dhexe ee PSG, inkastoo garsooraha uu dhacdada ka daawaday shaashada dhinac taala garoonka hadana waxa uu doortay inuu siiyo kaliya calaamada hurdiga.

Inkastoo ay Man United ku adkeyd kubad isku dhiibta 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay hadana waxay ku guuleysteen inay helaan goolka barbaraha daqiiqadii 32aad.

Kubad uu garabka midig u soo bixiyay goolhaye Keylar Navas ayaa waxaa helay Wan-Bissaka oo u celiyay Rashford kaasoo darbadiisa uu lugta u dhigay Diallo iyadoo ay taasi keentay in Navas uu dhinac u go’o islamakaana ay kubada ku nasato shabaqa. Waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii labaad Man United ayaa dardar la soo baxday iyagoo ku dhawaaday inay hogaanka u qabtaan ciyaarta daqiiqadii 49aad laakiin kubad gool loo fishay waxaa shabaqa dulmariyay Anthony Martial.

Daqiiqadii 56aad ayay Man United mar kale ku dhawaatay inay shabaqa soo taabato iyadoo Bruno Fernandes uu kubad u dhex bixiyay Cavani oo soo jiiday ka hor inta uusan ka dulqaadin goolhaye Navas laakiin kubada waxay ku dhacday birta goolka oo soo beenisay.

Laakiin PSG ayaa hogaanka ku soo noqotay daqiiqadii 69aad ka dib markii Man United ay iska bixin weysay kubad koorno aheyd, iyadoo darbo ka baxday Bakker ay ku dhacday ciyaaryahan ka hor inta aysan u tagin kabtan Marquinhos kaasoo shabaqa ku taabtay. VAR ayaa uga shakisay goolka offside laakiin waxaa Marquinhos ka saaray offside-ka cagta Cavani.

Ka dar oo dibi dhal ayaa ka dhacday markii daqiiqadii ku xigtay uu Manchester United casaan ka qaatay Fred oo qeybtii hore ka badbaaday kaar cas iyadoo Fred uu markaan qalad ku galay Ander Herrera taasoo keentay in hurdigiisii labaad la siiyo.

Inkastoo Man United ay isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabato hadana waxay ciyaarta dilay waqtigii dhimashada Neymar oo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkii seddexaad ee PSG ka dib markii uu baas sahlan ka helay Rafinha iyadoo ay ciyaarta ku dhamaatay 3-1 oo ay PSG guusha ku raacday iyadoo kooxda Faransiiska ay ka aargudatay Red Devils.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More