Natiijo Yaab Leh Oo Kasoo Baxday Isbar-Bardhig Lagu Sameeyay SAGAAL

Xiddiga kooxda Leicester City ee Youri Tielemans ayaa isbar-bardhig lagula sameeyay sagaal khad dhexe oo ka tirsan kooxda lala xidhiidhinayo saxeexiisa ee Liverpool wacdarro ku dhigay.

Tielemans ayay Liverpool u doonaysaa bedelka Georginio Wijnaldum oo qaab xor ah ugu biiray Paris Saint-Germain kaddib markii uu ka dhacay heshiiskii uu ku joogay Anfield Stadium heshiis cusubna ay isku fahmi waayeen maamulka.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo dhawr ah oo khadka dhexe ah kuwaas oo ay ku jiraan Saul Niguez, Renato Sanches, Florian Neahaus iyo Yves Bissouma.

Xiddiga Foxes ayaa ah mid kamida xiddigaha lala xidhiidhinaya Reds, wargeyska ree Belgium ee Voetball24 ayaa shaaca ka qaaday inuu Tielemans qudhiisu doonayo ku biirista Liverpool isla markaana ay Reds diyaar la yihiin bixinta lacagta 64-ka Milyan ee pound ah ee ay kooxdiisu ku doonayso.

Youri ayaa xilli ciyaareedkii hore ahaa mid kamida xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican Leicester isaga oo 51 kulan oo uu metelay ugu soo dhaliyay 9 gool lix kalena caawiye kasoo noqday.

Haddaba, arrinta natiijada yaabka leh kasoo baxday ayaa ah isbar-bardhig Tielemans oo kaliya lagula sameeyay sagaalka khad dhexe ee Liverpool ee kala ah Jordan Henderson, Fabinho, James Milner, Alex Chamberlain, Naby Keita, Xherdan Shaqiri, Curtis Jones, Thiago Alcantara iyo Wijnaldum oo xilli ciyaareedkii hore joogay.

Tielemans ayaa kaligii Premier League xilli ciyaareedkii hore kasoo dhaliyay lix gool halka uu afar kale caawiye ka ahaa halka sagaalkaas xiddig ee Liverpool isku geyn ay leeyihiin lix gool iyo afar caawimo oo ka kala yimid: Laba gool oo Wijnaldum ah iyo min hal gool oo ah Thiago, Henderson, Jones iyo Chamberlain halka ay afarta caawimo sameeyeen Jones iyo Shaqiri oo min laba caawimo sameeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More