Natiijada Kulankii Odayaasha El Clasico, Wacdarihii Ronaldinho,

Magaalada Tel Aviv ee waddanka Israel, waxa xalay fiidkii ku wada ciyaaray halyeeyadii kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, waxaana libinta qaatay Los Blancos oo gool uu qaybtii dambe u dhaliyey Ruben de la Red uu u go’aamiyey guusha.

Xiddigihii hawlgabka noqday ee labadan kooxood ee labada kooxood u ciyaaray ayaa waxa ka mid ahaa Ronaldinho, Rivaldo, Luis Figo iyo Roberto Carlos ayaa waxa garoonka Bloomfield Stadium ku daawaday 25,000 qof oo uu Ronaldinho ku madadaaliyey garoonka gudihiisa.

Ciyaartan oo kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday odayaasha Real Madrid, waxa gool-dhalinta furay Ronaldinho daqiiqaddii 28aad isaga oo dhaliyey rikoodhe kaddib markii uu Antonio Nunez oo Real Madrid ah uu qalad ku galay Javier Saviola oo afka hore uga ciyaarayay odayaasha Barcelona.

Ronaldinho ayaa markii uu goolka dhaliyey u dabbaal-degay sidii lagu yaqaanay xilligii uu garoomada wacdaraha ka dhigi jiray, isaga oo 17 sannadood kaddib  labada suul u taagay jamaahiir sacabka u tumaysa isaga oo xidhan dharka Barcelona.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid si cajiib ah u shaqaysay, waxaana goolka barbarraha u dhaliyey Pedro Munitis ka hor intii aanu Alfonso Perez laba daqiiqadood kaddib goolka labaad raacin , hoggaankana aanu u dhiibin.

Barcelona ayaa heshay goolka barbarraha oo uu u saxeexay Jofre Mateu, balse goolkaasi masii waarin, waxaana ka daba yimid Ruben de la Red oo laba ka  mid ah ciyaartoyda Barcelona u gooyey, kaddibna kubbad aan la joojin karin ku hubsaday shabaqa Barcelona.

Ciyaartoydii saftay kulanka

Barcelona (2): Mariano Jesus Angoy; Miquel Soler; Frederic Dehu; Tortolero; Jon Andoni Goikoetxea; Oscar Arpon; Gaizka Mendieta; Javier Saviola; Deco; Rivaldo; Ronaldinho.

Also featured: Ronald De Boer; Jofre Mateu; Guillermo Amor; Francesco Coco; Francisco Guzman; Juan Carlos; Samuel Okunowo.

Tababare: Albert Ferrer

Real Madrid (3): Jordi Codina; Roberto Carlos; Alberto Rivera; Luis Milla; Antonio Nunez; Alfonso Perez; Jose Emilio Amavisca; Ivan Campo; Luis Figo; Fernando Sanz; Ruben De la Red.

Also featured: Pedro Munitis; Jesús Enrique Velasco.

Tababare: Manolo Castro

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More