Muxuu Yahay Rekoodhka Cajiibka Ah Ee Uu Cristiano Ronaldo Haystay Ee

Hoggaamiyayaasha kooxaha Barcelona iyo Juventus ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa markale si wadajir ah uga sarreeya xiddigaha kale ee jiilkooda iyaga oo rekoodh kale wadaagaya xilli ciyaareedkan.

Lionel Messi ayaa labadii gool ee uu xalay ka dhaliyay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Getafe ee 5-2 ahayd ku gaadhay 25 gool oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkan waxaana uu sidaas ku bar-bareeyay gool dhalinta Serie A ee xilli ciyaareedkan ee Cristiano Ronaldo.

Labadaas gool ee xalay Messi u saxeexay Barcelona ayaa ka dhigan in isaga iyo Ronaldo ay yihiin ciyaaryahanada kaliya ee ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub ee ugu yaraan 25 gool soo dhaliyay 12 xilli ciyaareed oo kala duwan.

33 sano jirkaas ayaa kahor wakhtigii nasashada ee kulankii Getafe laba gool dhaliyay kahor inta uusan goolkii Ronald Araujo caawiye ka noqon isla markaana rigoore u daynin Antoine Greizmann.

Cristiano ayaa rekoodhka ah inuu 12 xilli ciyaareed oo kala duwan ugu yaraan 25 gool soo dhaliyay kusoo sameeyay Manchester United, Real Madrid iyo Juventus halka Messi goolashiisu ay dhammaan Barcelona yihiin.

Labada gool ee Messi ayaa sidoo kale xalay uu iskaga maydhay abaartii ka haysatay kooxdaas gaar ahaan kulamada Camp Nou, Messi ayaan saddexdii kulan ee hore ee uu Camp Nou kaga hortagay Getafe wax gool ah kasoo dhalin.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More