Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Turkey Blocks X Accounts Belonging to LGBTQ Activists
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Muxuu Yahay Dhaqanka Ay Leedahay Bayern Munich Ee Uu Toni

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa shaaca ka qaaday dhaqan ay lahayd kooxdiisii hore ee Bayern Munich oo uusan jeclayn xilli uu hadda sanadihii ugu dambeeyay guulo waaweyn la gaadhay kooxda caasimada Spain.

Waxa uu nacay Toni Kroos ayaa ah in Bayern Munich oo ah koox ku xoogan arrimaha dhaqanku ay markasta xiddigaheedu casho tagi jireen kaddib kulamada Champions League gaar ahaan marka ay dalalka kale tagaan ee ay martida yihiin.

Toni ayaa sheegay in haatan Real Madrid ay tahay mid sidaas ka duwan oo ay toos guryahooda u kala tagaan kaddib kulamada sidaasina ay tahay qaabka uu isagu doorbidayo.

Kroos oo ka hadlayay barnaamij uu daadihiye ka yahay walaalkii Felix ayaa yidhi “Marka aanu joogno Real Madrid toos ayaanu u tagnaa guryaha kaddib kulamada”

“Markii aan Bayern joogay gabi ahaanba sidaas may ahayn, gaar ahaan kulamada aanu martida nahay ee Yurub markaas oo inta badan aanu wada cashayn jirnay”

“Laakiin waxa jira kulamada qaar aanad kaddib sidaas inaad samayso dareemayn, daacad ahaantii anigu marnaba maan jeclaysan, waxaan in badan doorbidaa waxa aan hadda sameeyo”

 

How do you rate this story?

0 votes