Muxuu Sameeyay Willian Todobaadkan Oo Keeni Karta In Arsenal

2

Arsenal ayaa baareysa sababta ka danbeysa go’aanka uu Willian ugu safray magaalada Dubai intii lagu jiray kulamada heerka caalami, iyadoo xiddiga khadka dhexe uu haatan ku qasban yahay inuu keeno natiijada baaritaanka Korona Fayras ka hor inta uusan ku soo laabanin tababarka.

32 jirkaan loogama yeerin xulka Brazil, wuxuunta taas bedelkeeda waqti ku qaatay Dubai inkastoo UK ay gashay waji adag oo ah xakameynta faafifda Korona Fayras iyadoo dadka looga digay inay safaro dibada ah aadaan haddii aysan aheyn lagama maarmaan.

Sida haatan ku cad go’aanka ay soo saartay wasaaraha Arimaha Dibeda UK dadka ka soo laabanaya Imaaraadka Carabta wixii ka dnabeeya 14ka November uma baahna inay karantiil isgeliyaan.

Sida ay sheegtay jariirada Telegraph, Willian ayaan awood u yeelan doonin inuu ku soo laabto tababarka ilaa iyo uu keeno cadeyn ah inuusan qabin Korona Fayras halka Arsenal ay weli baareysa xaqiiqda dhabta ah ee uu Willian uga baxay UK.

Haddii Arsenal ay ogaato in safarka Willian uu galay uu ahaa mid laga maarmay waxaa suurtogal ah in la duldhigo ganaax lacageed madaama uu jabiyay sharciga xakameynta Korona Fayras.

Intii uu ku jiray safarkiisa, Willian wuxuu booqday maqaaxiada Nusr-Et isagoo sawir la soo galay milkiilaha ‘Salt Bae’.

William ayaa qaab ciyaareed liita ku jiray ka hor kulamadii heerka caalami isagoo ku guuldareystay inuu caawin sameeyo tan iyo kulankii ay Arsenal ka badisay Fulham maalintii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer Brazil oo ahaa ciyaartoydii ugu fiicneyd Chelsea xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaan weli gool u dhalinin Gunners.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More