Muxuu Raphael Varane Ku Soo Kordhin Doonaa Premier League? Fashil Mise

Raphael Varane ayaa u wareegay Manchester United isagoo ka soo tagay Real Madrid ka dib koobab badan uu ku qaaday Santiago Bernabeu, iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu u muuqdo mid adkeeyay kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Faransiiska ayaa ku soo guuleystay koobab tiro badan intii uu joogay caasimada Spain, wuxuu soo qaaday afar koob oo Champions League ah, afar Club World Cup, seddex UEFA Super Cups, seddex La Liga, seddex Supercopa de Espana iyo hal Copa del Rey isagoo 300 kulan ka badan u saftay Los Blancos, waxa uu xitaa Koobka Adduunka la qaatay France sannadkii 2018.

Waxaa si cadaalad ah loo oran karaa in 28 jirkaan uu ku soo guuleystay wax walba ilaa iyo haatan, sidaasi darteed tayo aad u weyn ayuu ku soo kordhin doonaa Manchester United. Waa meel ay Manchester United ka liidatay tan iyo markii ay ka tageen daafacyada Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidic.

Varane waa daafac dhameystiran kaasoo si weyn ugu haboon kubada casriga ah. Madaalenimadiisa iyo sida uu ciyaarta u akhriyo ayaa siineysa asxaabtiisa inay weerar joogta ah qaadaan iyagoo aan ka walwaleynin in kubado rogaalcelis ah looga faa’ideysto. Wuxuu xitaa awoodaa inuu bilow u noqdo kubadaha rogaalceliska ah isagoo kubada gadaal ka soo dhisaya.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Varane uu ku dhibtoon doono inuu la qabso kubada orodka iyo xooga ah ee Premier League, laakiin daafac leh awoodiisa iyo maqaamkiisa wax dhibaato ah kuma ahan inuu la qabsado kubada Premier League, mana wajihi doono waqti adag uu kula qabsado ciyaarta Man United iyo tan horyaalka.

Waa xiddig si weyn loogu yaqaano inuu ilaashado booskiisa, wuxuuna ka fiirsadaa taakalada uu sameynayo marka uu kubada difaacanayo, isagoo sidoo kale khabiir ku ah jarida baasaska halista ah ee sababi kara gool.

Madaama uu yahay xiddig degan oo fudeyd badneyn, waxay si fiican isku fahmi doonaa Harry Maguire kaasoo ah cagsiga Varane islamarkaana ciyaara kubad xoog ku dhisan, waxayna la mid noqon doontaa iska garab ciyaaris la mid ah tii isaga iyo Sergio Ramos ee Los Blancos.

Dhererkiisa iyo xoogiisa ayaa sidoo kale la micno ah inuu ku xoogan yahay kubadaha madaxa ah taasoo United u noqon doonta faa’ido marka ay difaacanayaan koornooyinka, karoosyada iyo laadadka xorta ah, sidoo kalena wuxuu halis ku noqon doonaa xerada ganaaxa ee kooxda ka soo horjeeda.

Su’aal la’aan Varane wuxuu horumarin doonaa daafaca Manchester United isagoo ku soo kordhinaya khibrad iyo awoodiisa kubadeed. Ciyaaryahan maqaamkiisa oo kale leh wuxuu horumarin karaa koox walba oo ka dhisan dunida.

Akhriste maxay kula tahay adiga? Varane miyuu la qabsan doonaa Premier League iyo Manchester United?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More