Muxuu Pep Guardiola u sheegay ciyaartoyda?

Pep Guardiola ayaa u sheegay in qeybtii labaad aysan waxba iska badalin isla markaana ay culeyska ku hayaan kooxda Manchester United oo uu sheegay inay ka dhigeyso finalka hadii ay sameeyaan.

City iyo United ayaa midba midka kale weeraray 45-kii daqiiqo ee ugu horreysay waxayna goolal iska dhaliyeen banaanka, halka labada goolhaye ay sameeyeen badbaadinno cajiib ah.

Laakiin waxay galeen nasiinada iyaga oo aan wax gool ah dhalin, wuxuuna Pep Guardiola dajiyay qorshihii kooxdiisa ee ahaa inay garaacdo Manchester United.

Istaraatijiyadda waqtiga nasashada ee Pep Guardiola ayaa shaqeysay, iyadoo labo gool oo ay kala dhaliyeen John Stones iyo Fernandinho ay u direen finalka ay la ciyaarayaan Tottenham bishii Abriil.

Istaraatiijiyadda waqtiga nasashada ee Pep Guardiola ayaa shaqeysay, iyadoo labo gool oo ay kala dhaliyeen John Stones iyo Fernandinho ay u direen finalka ay la ciyaarayaan Tottenham bishii Abriil.

Wadahadal uu saxaafada la yeeshay ciyaarta ka dib, John Stones wuxuu shaaca ka qaaday wixii Pep Guardiola ku yiri waqtiga nuska ah: Wax walba ha isku ekaadaan. “

Stones ayaa intaas ku daray: “Intii lagu guda jiray qeybtii hore waxaan heysanay barroosinka” Sida aan ula ciyaarnay koox fiican garoonka dhexdiisa dhibaato ayay nagu abuurtay sifiicanna waan u sameynay. “

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More