Muxuu Lionel Messi Ka Yidhi Weeraryahanka Arsenal Doonayso Ee Lautaro

0

Kooxda kubadda Cagta Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay ka faa’iidaysato suuqa iibka ciyaartoyda ee muddada bisha ahi ka hadhsan tahay, waxaanay hore u heshay difaaca reer England ee Ben White oo kaliya shaacinta saxeexiisa uu hadhsan yahay.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, Arsenal ayaa waxay doonaysaa weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez ee afka hore uga ciyaara Inter Milan oo ay hore kooxdiisu u sheegtay in uu joogayo.

Martinez ayaa waxa horraantii xilli ciyaareedka lala xidhiidhinayay Barcelona oo dhaqaale la’aani hayso isla markaana si bilaash ah kusoo qaadatay Sergio Aguero iyo Memphis Depay, waxaanay taasi keentay inay soo afjaranto hadal-hayntiisii Camp Nou.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa UK, Lautaro Martinez ayaan ku qanacsanayn inuu sii joogo San Siro, waxaanu diyaar u noqon karayaa inuu tago horyaalka Premier League amaba Spain.

Wargeysku waxa uu sheegay in Arsenal ay weydiisay Inter Milan suurtogalnimada ah inay la saxeexan karaan 23 jirkan oo xilli ciyaareedkii hore dhaliyey 19 gool iyo 11 caawimood oo uu raacsaday.

Inter Milan ayaa u sheegtay Arsenal inay la timaaddo lacag gaadhaysa £77 milyan oo Gini haddii ay doonayso saxeexa Martinez, taas oo ay muuqato in aanay Gunners waqtigan diyaar u ahayn inay bixiso maadaama duruufo dhaqaale jiraan, sidoo kalena ay £50 milyan oo Gini kasoo bixisay Ben White.

Laacibkan ayaa waxay Arsenal rumaysan tahay inuu wax badan kusoo kordhin lahaa afkeeda hore oo la filayo inuu ka tago Alexandre Lacazette oo aan cusboonaysiin doonin qandaraaskiisa sannadku ka hadhsan yahay, isla markaana ay suurtogal tahay inuu ka tago xagaagan.

Si kastaba, Lautaro Martinez ayaa amaan cajiib ah ka helay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, taas oo ay warbaahinta Ingiriisku dib usoo faqeen kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ay Arsenal doonayso.

Messi ayaa mar uu ka hadlay Martinez waxa uu yidhi: “Waa ciyaartoy cajiib ah. Wuxuu leeyahay tayo heersare ah. Waxa aad sheegi karaysaa in uu noqonayo ciyaartoy weyn, waanay ka muuqataa.

“Waa ciyaaartoy xooggan, aad ugu wanaagsan marka ay qof-iyo-qof noqoto, goolal badan dhaliya, meel kastana kula dagaallama qof kasta. Wuxuu leeyahay tayooyin badan, waana laacib dhamaystiran.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More