Muxuu ka yiri Raphinha kaddib markii uu si rasmi ah ugu biiray

(Barcelona) 14 Luulyo 2022. Xiddiga reer Brazil Raphinha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku biro Barcelona, ​​​​isagoo xusay inuu ku guuleystay inuu fuliyo riyadii caruurnimada isaga iyo qoyskiisa sidoo kale.

Barcelona ayaa shalay oo arbaco ah si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis la gaartay Leeds United, kaas oo ku saabsan ka mid noqoshada xiddiga reer Brazil ee Raphinha.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Barcelona uu heshiiska ku bixin doonto adduun dhan 58 million euros, marka lagu daro  8 million euros oo gunnooyin ah.

Rafinha ayaa ammaanay saaxiibadiis Ronaldinho iyo Neymar, kuwaas oo khibrad aad u wanaagsan ku soo qaatay Camp Nou, isagoo rajeynaya inuu ku guuleysan karo inuu gaaro guulo la mid ah.

Haddaba Raphinha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku biro Barcelona, wuxuuna yiri:

“Ka ciyaarista Barcelona waxay ii tahay riyo ii rumowday aniga, qoyskeyga iyo asxaabteyda.”

Qof kasta oo arkay anigoo caruur ah oo ciyaaraya wuu ogyahay in tani ay tahay riyadeyda, waxay la mid tahay oofinta riyada ilmaha.”

“Hadda waxaan rabaa inaan ka caawiyo Barcelona inay ku soo laabato sidii ay ahayd.”

“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan halkaan ka ciyaaro, waxaan arkay wax walba oo Ronaldinho uu ka sameeyay Barcelona, ​​kaddibna Neymar ayaa yimid, haatanna Brazilian kale ayaa imaanaya, sharaf ayay ii tahay, waxaan jeclaan lahaa inaan sameeyo kala bar wixii ay halkaan ku sameeyeen.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More